Afhayeenka dowladda Puntland ma jiro wax go’aamo ah oo ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Muqdisho.[Dhagayso]
September 22, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda Daljir ayaa waxaa laga waraystay shirkii ka dhacay wadatashiga doorashooyinka 2016 isagoo xusay in Puntland ay mowqifkeedu ay u gudbisay madaxda dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamka.
Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) ” “Waxaan dowladda Federalka Soomaaliya u sheegnay in dowladda Puntland aysan aqbali karin in lagu xadgudbo Dastuurka Soomaaliya waxaan codsanay in dadka ka qayb galaya ay yhiin kuwo haysto sharciyo.”
Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) ayaa xusay in aysan jir wax go’aamo ah oo ka soo baxay shirka wada tashiga doorashooyinka 2016 ee lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho balse uu ahaa shir furmay oo bilow ah dhamaadayna Puntland ay mowqifkooda ay hordhigeen beesha caalamka guulna ay kala soo laabteen.
Hoos ka Dhagayso waraysiga ay idaacadda daljir la yeesheen Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel)
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Wareysi-Af-hayyeenka-Dowladda-Puntland.mp3]A/cawaale
Halgan.net