Diyaarado Duqeyn ka geystay deegaanka Labaatan Jiroow oo 60 KM u jira magaalada Baydhabo

September 22, 2015 - Written by Editor

duqeynBaydhabo:-Wararka imaanaya gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Labaatan Jiroow oo 60 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi ayaa sheegaya in Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqaymo ka geysteen deegaanka 20 Jiroow halkaas oo ay xarun talis ku leeyihiin kooxda oo ALshabaab.

Duqeynta ayaa waxaa ay geystay khasaaro kala duwan sida uu warbaahinta u sheegay Xasan Xuseen Maxamed oo ah Wasiirka Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Wasiirka Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan kooxda A-Shabaab ay ku shirayeen deegaanka 20 Jiroow markii ay duqeynta dhaceysay isaga oo sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan.

Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay maamulkiisa wadaan qorshe looga saarayo gobalada Koonfurgalbeed kooxda Al-Shabaab kuwaas oo dhibaato ku haya ayuu yiri shacabka ku dhaqan deegaamadaas.

Kooxda Al-shabaab ayaan Weli ka hadlin Duqeynta ka dhacday deegaanka Labaatan-jiroow iyo haduu jiro khasaaro gaaray askartooda ama dad rayid ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online