Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo si weyn looga ciiday.[Masawiro]
September 24, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Magaalada laaascanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta waxaa salaada ciidul Adxaa ku tukaday kumanaan dadweyna ah oo isugu jira rag iyo dumar ayadoo ay jirtay goobo kale oo ay dadwaynuhu ku tukadeen sida Musallaha iyo qaar kamid ah masaajida magaalada laascaanood.
Culimada magaalada Laascaanood oo bulshada u soo jeediyay wacdi iyo waano ku saabsan in Alle SW La caabudo , iyo lagu xidhnaado mar walba Alle . Haddaba qaar ka mida bulshada ku dhaqan magaalada ayaa si wayn hambalyo iyo bogaadin u diray ummada Islaamka , gaar ahaan Ummada Soomaaaliyeed meel ay joogaanba .
Sikastaba ha ahaatee Dadweynaha magaalada Laascaanood ayaa maanta si isku mid ah u ciiday, waxaana magaalada lagu dhex arkayey dadweyne farabadan oo ay ka muuqato farxada ciidka.
no images were found
Sanadka Sanadki Alle hanagu gaadhsiiyo nabad barwaaqo iyo Nimco.
Laascaanood,Somalia