Ku simaha Madaxweynaha DFS oo baaq nabadeed u direy Walaalaha Sool Iyo Nugaal
September 29, 2015 - Written by EditorKu simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha u dhaxeeya beelaha walaallaha ah ee ka jira deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal.
“hor iyo horaan waxaan ka tacsideynayaa dadkii ku dhintay xiisadaha u dhaxeeya dadka walaallaha ah ee xoolo dhaqatada ah oo xiisadahoodu weli ka taagan yihiin deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal, runtii waa wax aad iyo aad u xun oo aan wanaagsaneyn in
xiligan uu daato dhiig sokeeye,waana waajib qof walba laga doonayo in uu gacan ka geysto sidii loo joojin lahaa dhiigaasi ka daadanaya dadka walaalaha ah”ayuu yiri ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.
“waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha jira oo ah war aan farxad gelineyn qof walba oo damiir leh, waxaan dhiira gelinayaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan odayaasha,isimada,waxgaradka iyo garaadyada labada dhinac, sidoo kalena waxaan aad u dhiira gelinayaa dadaallada Puntland ay ku dooneyso in xal looga gaaro arrimahaasi, si taasi la mid ahna waan ku boorinayaa cid walba iney ka qeyb qaadato sidii dagaalladaasi xal looga gaari lahaa” ayuu hadalkiisa raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu Alle subxaanahu watacaalaa ka baryey in umadda walaallaha ah ee ay dirirtu ka dhaxeyso uu quluubtooda isku soo dumo islamarkaana inta ku howlan xal u helidda arimahaasi uu ku guulleeyo dadaalkooda.
—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation office of Speaker