Culimada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culuma’u suu waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadil

January 26, 2012 - Written by

Waayadan danbe waxaan maqalaa erayo ay kamid yihiin culumaa rabaaniyiin iyo culama’usuu (culimo rabigeed u hogaansan iyo culimo xun) oo loola jeedo in culumada iyo cilmigoodaba lagu dhaawaco, waxaan halkan ku soo ban dhigi doonaa inshaa allah qaar ka mid ah tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah iyo tilmaamaha culumaa’ usuu, kadibna waxaan is waydiin doonnaa yaa culuma’usuu ah? maxaase lagu kala gartaa? gabagabadana waxaan xusi doonaa maxaa ka dhalan eraygan culuma’usuu iyo kuwo la mid ah hadii loo adeegsado culumadii waa wayneed ee lagu yaqiinay caqiido toosan iyo camal wanaagsan. Sumadda aad ku kala garan karto caalimka wanaagsan iyo kan xun waa manhajka iyo wadada uu ku taagan yahay, ma tahay wadaddii dadkii hore ee salafkii umadan. (Nabiga –scw- iyo Saxaabaddii iyo intii ka ag dhawayd)

Tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah:

Sheekha magaciisu yahay bakar binu Cabdullahi Abu-Zeed mar uu ka hadlayay caalimka rabaaniga ah kitaabkiisa xilyatu dhaali bil-cilmi, wuxuu yiri; “waxaad laazimtaa cabsida Allah mar walba, dadkana waxaa u kheyr badan qofka Allah kabaqa, kamana baqo Allah ilaa qof caalim ah mooyee, hadaba dadka waxaa ugu kheyr badan caalimka, lamana oran karo caalim rabaani ah ilaa inuu ku camal falo cilmigiisa mooyee, caalimkuna kuma camal falo cilmigiisa ilaa in cabsida Allah uu daa imo mooyee”.

Runtii hadalkaasi waa hadal weyn mana aha wax qof waliba iska dhihi karo hebal waa rabaani hebelna waa culumaa’usuu. Culumada rabaaniyiintu waa kuwa raaca kitaabka Allah ,sunada iyo manhajka dadkii hore oraah iyo dhaqanba, waa dadka ilaaliya diinta iyo manhajka saxda ah, waa kuwa nabigeenu yiri scw xadiis macnihiisu ahaa, sheikh Al albaanina saxiixiyay; “cilmiga waxaa xanbaari jiil walba ama xili walba dadka toosan ee cadaalada ku dhaqma, waxay ka

ilaalin kuwa xad gudubka sameyn, kuwa soo dhex galin waxaan diinta ka mid ahayn iyo kuwa nusuusta awilaya oo macnahooda leexin” waana meesha ay ku dhumeen kooxaha tirada badan ee qaloocu galay, waligoodna culumadu way ku dadaali jireen siday u toosin lahaayeen qaloocaas, iyo in diinta ay cadeeyaan cilmigana aysan qarinin. Culumada rabaaniyiintu waxay ka gaareen cilmiga meel sare , tilmaamahoodana waxaa kamid ah;

1- Cilmi iyo aqoon: Waxay bartaan cilmiga, wayna ku dhaqmaan, dadkana way baraan xaga alle ayayna dadka ugu yeeraan, allahna wuxuu yiri; noqda rabaaniyiin. Imaamu Zuhri wuxuu yiri; “Allah laguma caabudo wax ka fadli badan cilmi”, imaamu thowrina wuxuu yiri; “ma garanayo nabinimada ka dib wax ka fadli badan cilmi” hadaba tilmaanta aqoontu waa mid ay leeyihiin culumada rabaaniyiintu.

2- Ikhlaas: Cilmigooda iyo camalkoodaba allah dartiis bay ula jeedaan, sheikh Bakar abuu-Zeed wuxuu qoray kitaab uu ku magacaabay „At-Tacaalum macnihiisuna yahay caalim iska yeel, wuxuu sheegay mas’alo uu u bixiyay „dhubuuliyaat micnaheedu waa nin aan caalim aheyn oo soo bartay dhoor mas’alo si fiicanna u soo baaray oo raba inuu umada u tuso inuu caalim yahay oo marba meel ku boodi, marba sheikh xag xagan oo ka gar suran si loo yiraahdo waa caalim, u jeedadiisuna tahay in labarto.

3- Raacida Nabiga scw: Suura gal ma’aha inuu rabaani noqdo nin waddo qaloocan haya, imam Ibnu Rajab wuxuu yiri; “cilmiga naafica ah waa midka ku kooban kitaabka allah ,sunada nabiga scw iyo fahamkii salafka”.

4- Sharafta cilmiga iyo culimada oo la dareemo: Suura gal ma aha inuu rabaani noqdo qof aan culimada qadarinin, sheikh

la yiraahdo Al-jurjaani allah ha u naxariistee wuxuu yiri;, “waxay i leeyihiin waxaad tahay nin dadka dhaxgalkooda iska uruurin, waxay arkeen nin aan meelaha duliga tagayn (goob xun aan istaagayn), haday dadka ahlu cilmigu ilaalin lahaayeen cilmiga isaguna wuu ilaalin lahaa , hadii naftooda uu ku waynaan lahaa cilmigu dadkuna way wayneyn lahaayeen”.

5- Akhlaaq Wanaagsan: Rabaanigu waa ka dhaxgala dadka, waxa fiicanna usheega, kulana dhaqma akhlaaq wanaagsan, cilmigiisa ayaa dhaxalsiin inuu u naxariisto dadka una dhimriyo.

6- Nafta oo lagu dahiro acmaasha fiican: Camalku waa miraha cilmiga, cilmi aan camal fiican wadanna wuxuu ku noqon saaxiibkiisa hoog, halaag iyo xujo maalinta qiyaamo. Qaybahan aan kor ku soo xusay waxay ka mid yihiin tilmaamaha culimada rabaaniyiinta, waxayna leeyihiin tilmaamo intaas ka siibadan, oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Qormada xigta waxaan ka hadli doonaa inshaa allah tilmaamaha culumaa’usuu, yaa culimaa’usuu ah, maxaa lagu kala gartaa iyo Natiijida laga dhaxlayo? muxuu yahay hadafka ka danbeeya?, maxayse tahay natiijada ka dhalan?

Lasoco Qaybta labaad insha allaah

W/Q/ Ahmednuur macalim c/qaadir.
Imam Masjid Abu-Bakr Islamic Center.
Seattle, Washington.

midnimo114@hotmail.com

4 Comments so far

Leave a comment

  1. muxsin says:
    January 28, 2012 at 11:02 pm
    salaamun calaykum

    sheikh axmed nuur jizaahullaahu khayran wa axsana ileyhi, aad ayuu ugu mahdsanyahay mawduucaan wanaagsan ee waaqica ah, runtii waxaa aad ii cajabiyey cinwaanka sheekhu maqaalka u bixiyey oo ka tarjumaya da’ yarta aan diin iy caqli ku filan midna lahayn ee ku kadsoomay waxa loo yaqaano saxaafadda xorta ah, kuwaas oo si xishood darro ah oo innaba ha yaraatee aan sarriig ku jirin afka u saaray culimadii umadda, dhaxalkii ambiyada, oo isku darsaday cilmi iyo cimri iyo cibaado suubban insha allaah, aana u rajaynayno inay yihiin awliya ilaahay subxaanahu watacaalaa, sheekh axmed nuur khayr badan allaah ha siiyee wuxuu sifeeyey tilmaamaha culimada wanaaagsan ee rabbaaniyiinta ah iyo inay yihiin kuwa isku darsaday cilmi iyo camal iyo manhaj saxiix ah, culimada rabaaniyiinta ah waxaa garan kara ahlul cilmiga.
    sheekha waxaan leeyahay halkaas ka wad waruuxul qudus yu’aiduka insha allaah

  2. Jazaakallaah Sheekh Axmednuur, anagana Ilaahay hanaga dhigo kuwa garta Qadarka iyo ixtiraamka ay leeyihiin Culimadu. Waxaa musiibo weyn ah nin dhalin yaro ah oo aan waxba la socon oo aflagaadaynaya Culimadii u taagnayd oo shaqadoodu ahayd inay dadka Xaqa usheegaan. Waa wada muftil khanfashaar oo aan iska warqabinba waxa uu culimada ku aflagaadaynayo isagoo ku sugan Jahlul murakab. Jazaakallaah Sheykhanaa markale, Allaah hakuugu daro miizaankaaga xasanaadka, annagan hanagu anfaco, Allaahumma aamiin.

  3. maashaa allaah sheekh axmednuur juziita kheyran, waad waadixisay waxa la yiraahdo “caalim rabbaani ah” waxaase isweydiin leh ma ka fiideysan doonaan kuwa tabar iyo talo ay ka noqotay in magacaas ay huwiyaan cidda ay doonaan ee safkooda ku jira kana xayuubiyaan cidii aan raacsaneyn ee aan la gelin meel kastoo ciriiryoon oo ay galaan, wax lagula yaabase ma leh oo waxaa ay heleen aalad aan diideyn wax qorista oo ku kastoo naac dhahaaba kusoo dhowaanayo hawadiisu waxa ay u sheegtana ku tallaaba qaada qoristeeda, aniga waxaan aduun ka sabray markaan arkay inbadan oo aan aqaanay oo cilmi diineed iyo mid aduun aan ag marin oo haddana falanqeynaysa masaail culimada islaamku xataa ee ehelka u ah cilimiga markay ka hadlayaan ay ka xidaareystaan oo aysan si toos ugu dhicin ka hadlkooda iyagoo waliba ehel u ah masaailkaas iyaga ah ayaa rag aan adnaa-cilmi iskaba daaye aadan goobo cilmi weligaa ku arag ay kala baandheynayaan oo aad ka maqli wax aadan weligaa ab iyo isir u arag, oo culimadii diinta salsaloolanaya kii uu doonana oranaya “Rabbaani” kii uusan ku qanacsaneyna ku sheegaya mid xun, illaa wixii mawaaziin wax lagu kala sooci jirey ee la yaqaanayi isku qasmaan oo xaalku noqday sidii shicirkii cardeed ahaa ee yiri:
    WALAMMAA RA’AYTUL-JAHLA BEYNANAASI FAASHIYAN…TAJAAHALTU XATTAA THUNNA ANNII JAAHILUN..
    FAWAA-CAJABAN KAM YADDACIL-FADLA NAAQISUN..WAWAA ASAFAN KAM YUTH HIRUL-NAQSA FAADILUN..

    wax lagula yaabase ma lahan oo waxaa jirta maahmaah carbeed oo oraneysa ” kullu fataatin bi-abiihaa mucjabah” taasoo macnaheedu yahay in gabadh kastaayi aabaheed la fiican yahay (xataa haduu nacas yahay) waxaanay maahmaahdaa la mid tahay tii soomaaliyeed ee oraneysay “NIN WALIBA QUMANIHIISA AYAA QOORTA UGU JIRA”, waxaase wax la hubo ah in taariikhdu ay tahay mid marag ah oo kala saarta wixii isku murga adoomada allena ay yihiin markhaatigiisa dhulka jooga, marka waxaanu leenahay afhayeenada madaxa banaani ha iska qoraan waxa ay doonaan kolley xaalku ma noqon doono waxa aad jeceshihiin ee waxa uu noqon waxa xaqiiqada dhabta ahi tahay..

  4. Jazakumullah qeyr. Alla haka abaal mariyo.

Leave a comment

*