Askari Maraykan ah oo lagu eedeeyey in uu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab

January 10, 2012 - Written by

Askari hore uga tirsanaa ciidanka dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu doonayey in uu la shaqeeyo ururka Al-shabaab iyagoo ay ciidanka sidoonka dalka Kenya ay ka soo qabteen xili uu doonayey in uu ka talaabo xadka u dhexeeya dalka Soomaliya iyo Kenya, Askarigaan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Craig Baxam  da,diisuna waa 24 sano jir.

Askarigaan Maraykanka ah ee lagu magacaabo Craig Baxam ayaa waxaa uu yimid dalka Kenya bishiio December 2011 waxaan uu deganaa  duleedka Washington DC, Dacwo ooge maraykan ahaa ayaa dacwo ku soo oogay  iyadoo haddii eeda loo jeedyey ay ku cadaato uu mudan doono xabsi gaaraya ilaa 15 sanno.

Dowlada Maraykanka ayaa waxaa liiska kooxa wax ay ugu yeeraan argagixisada waxaa ay ku dareen ururka Al-shabaab ka dib markii ay ku eedeeyeen in ururkaan uu xiriir toos ah kala dhexeeyo ururka Al-qaacida oo dowlada Maraykanka dagaalo fara badan uu ku dhexmaray dalka Afgaanistaan iyo Ciraaq.

Sirdoonka dowllada Kenya ayaa maalmo ka hor shaaciyey in ay baadi goob ugu jiraan qof asal ahaan ka soo jeeda Maraykan oo xiriir la leh ururka Shabaab soona galay dalkooda ,wararka qaar ayaa sheegay in sirdoonaka dalkja Maraykanka FBI ay xog soo siiyeen ciidanka sirdoonka ee dalka Kenya sidaas darteedna ay ku qabteen Craig Baxam

C/casiis Axmed
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online