Al-shabaab oo dagaal culus oo rogaal celis ah ku qaaday ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM

January 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-War uu goordhow na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabaab  ay soo qaadeen dagaal  aad u xoogan oo rogaal celis ah kaasi oo sababay in dib loo soo baacsado ciidamada AMISOM & kuwa DFKM.

Dagaalkii saaka ayaa waxaa u suurto gashay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM in ay galaan  Suuqa xoolaha iyo xeradii Maslax .Dagaal culus ayaa haatan waxaa uu ka soconayaa  inta u dhaxaysa Suuqa Xoolaha & Huriwaa gaar ahaan agagaaraha Isbitaalka SOS & Warshada Baastada iyo goobo badan oo ka mid ah Jidka Warshadaha.

Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic xoogan ku garaacayaan goobo badan oo ka mid ah goobaha uu dagaalka ka socdo waxaana socda dagaal culus oo ay qolo walba rabto in ay goobo ku qabsato.

Wariyaha Halgan.net ayaa waxaa uu xiriir la sameeyey mid ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab waxaana uu u sheegay in uu dagaal socdo wixii faahfaahin ahna ay soo gudbin doonaan saacadaha soo socda.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online