Askari ka tirsan ururka Al-shabaab oo dad rayid ah ku dilay degaanka Ceelasha Biyaha
January 12, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka ka imaanaya saaka degaanka Ceelasha Biyah ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka ururka Al-shabaab uu tacshiirada ku furay dad rayid ah iyadoo halkaas ay ku dhinteen ilaa 4 ruux halka 2 qof oo kalena uu soo gaaray dhaawac ,ilaa hadda si rasmi ah uma cada sababaha uu asakarigaan uu rasaasta ugu furay dadkaan rayidka ah.
Askariga ayaa la sheegayaa in falka uu geystay ka dib xili uu doonayey in uu kala cayriyo dad la doonayey in laga raro laamiga Suuqa ceelasha biyaha ka dibna rasaastii uu riday ay haleeshay dadkaan rayidka ah, Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ku sugnaa goobta xiligu falka uu dhacay.
Xaalada Suuqa ayaa deganaasho ku soo laabatay ka dib markii ay ciidamo kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay soo gaareen goobta waxaan ay gacanta ku dhigeen askarigii rasaasta riday iyagoo xabsiga dhigay, dadweynaha ku nool ceelashga biyaha ayaa dhowr jeer oo hore ay shaqaaqooyin dhexmareen askar ka tirsan ciidanka Al-shabaab oo iyagu fulinayey amaro ay u soo dhiibeen madaxdooda oo ku saabsan aruurinta sakooyinka iyo in dadweynaha laga raro goobaha u dhaw laamiga Suuqa ceelasha Biyaha.
A/Cawaale
Halgan.net

.gif)

