Ciidamada Itoobiya oo qarax lagu weeraray magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan
January 29, 2012 - Written byHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in goordhow qarax lagu weeraray Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta goablka Hiiraan .
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa Ciidamada Ethiopia lagula eegtay xaafadda Nuur Xawaad ee bariga magaalada Beledweyne waxaana soo gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Ethiopia ayaa qaraxa ka dib furay rasaas faro badan waxaana ku dhaawacmay rasaasta laba qof oo rayid ah ciidamada huwana ee la socda ciidamada Ethiopia ayaa baaritaan ka sameeyey xaafada Nuur Xawaad ee bariga magaalada Beledweyne waxayna soo qabteen ilaa dhowr qof.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

