Dagaal culus oo udhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Huwanta oo ka socda gobalka Gedo

January 9, 2012 - Written by

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaaray ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo ay ka qeyb ka yihiin  diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobalka Gedo gaar ahaan deegaanka Lawiille ee gobolka Gobolka Gedo.Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidmada huwanta ay baritaarayaan ciidamada Kenya ay weerar soo qaadeen.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa haatan inta u dhexeysa Deegaannada Ceel Cadde iyo Dhammase dadka xoolo dhaqatada ah ayaa ka bara kacay waxaana ay ciidamada Kenya iska Ridayaan Madaafiic aan loo meel dayin.

Ciidamada al-Shabaab ayaa difaac culus la galay ciidamada Kenya waxaana ay dib u cesheen laba mar oo ay weerar soo qaadeen .Diyuuradaha dagaalka ayey miciin badaan ciidamada Kenya markii lagu jabiyey dagaalka waxaana warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net sheegayaan in 10 askar ay ka go,doomeen ciidamada Kenya 6 ka mid ah la dilay .

Wariyaha Halgan.net ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq xoogan iyo dhiilo colaadeed uu ka socdo gobalka Gedo waxaana ay bilaabeen ciidamada Al-Shabaab in ay isku geybiyaan kooxo yar yar oo dhabagal ku sameyn doona ciidamada Kenya .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online