Iska dil ! W/Q Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)
January 11, 2012 - Written byCiyaaraha aan ugu jecleyn yaraantii waxaa ugu muhiimsanaa laynta mulacyada, jiirka shinbiraha iwm. sida badanna kooxda ahaan isku dhow ayaan ahaanjirnay oo leeb iyo qaanso ley ah, inta badanna waxaa hog gaamiye noqon jiray ninka ugu laayaansan ama ugu firfir cooni da badan.
Waxaa dhici jirtay in xooluhu naga lumaan sidaan mulac ama shinbir u eryaneyno, sida badanna howlahaas waan joojin jirnay markii gabbalku dhoco; maxaa yeelay waxaa adkaaneysa in la arko waxa la tooganayo ama in la helo leebkii la ganay, waxaase mararka qaar dhici jirtay inaan fiidka hore ku guurno meelaha ay habeenkii shinbirtu u hoyato, waxaana dhici jirtay in la toogto shinbirta buulka ku jirta, in lala helo way dhacdaa in lala waayo oo leebkii lagu riday lumana waa laga yaabaa.
Ciyaar xiiso leh ayay noo aheyd laynta nafleydaas aan waxba galabsanin, waxaana jeclaan jirnay inaan wixii dhaqaaqaba tooganno, sida: masaska, hangaralaha, caasha garaddaxda,calikacsadaha, malowga iyo noocyo kale oo noo ahaa il iyo aragti. Laynta xayawaanadaas ujeeddo aan ciyaar aheyn kama aanaan laheyn marka lag reebo shinbirta oo aan u dili jirnay si aan baarrimeheeda leebta ugu baalanno, mana jirin cid naga weyneyd oo laynta noolayaashaas naga dhaadhicisay, waxaanse qaddarayaa in dadka naga waaweynaa laftoodu ay ciyaarta noocaas ah soo mareen.
Halkaan ka Akhri maqaalkii Iska dil ee Sh Xassan Maxamed
W/Q Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)

.gif)

