Nabadoon Caaqil Suulay oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

January 11, 2012 - Written by

Ceelwaaq:-Askari ka tirsan ciidanka DFKM ee gobolka Gedo ayaa saaka wxaa uu ku dilay degmada Ceel-waaq mid ka mid ah nabadoon caan ka ahaa degmada Ceelwaaq, askarigaan ayaa waxaa uu dood ama muran dhexmaraya Nabadoon ka waxaan ka dib la arkay askariga oo si bareer ah u toogtay oday gaan Nabadoonka ah. Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Caaqil Suulay, warar hordhaca oo ka soo baxay dilkiisa ayaa sheegay in askariga dilka ku kacay oo ku hubaysnaa qoriga AK-47 uu nabadoonka uu u dilay aano qabiil.

Ciidanka DFKM ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhiogaan askariga dilka u geystay Nabadoon Caaqil Suulay  waxaan ay ku xireen saldhiga Booliska ee degmada Ceelwaaq.Sarkaal u hadalay ciidanka DFKM aya saxaafada u sheegay in askariga dilka geystay ay dhawaan soo taagi doonaa Maxkamada sharciga lagu qaadi doono.

Waxgaradka ku nool Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gado ayaa aad uga xumaaday dilka Nabadoon Caaqil Suulay , dilka Nabadoonla ayaa ku soo beegmay xili ciidanka DFKM ay la wareegeen degmada Ceelwaaq bil ka hor iyadoo ilaa intii ay ururka Al-shabaab ay gacamta ku hayeen degmada Ceelwaaq aan wax Nabadoonn ah lagu dilin magaalada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online