Soomaaliyeey mala socotaan in dood adagi ka taagan tahay xukunka dadka muslimiinta ah ee ku nool caalamka?

January 15, 2012 - Written by

Waxaa laga yaabaa in dad badan la yaabaan arinkan, balse waa dood hadda jirta, waxaana  dadka qaar ay ku doodayaan in dadka muslimka lagu sheego ee caalmka ku nool ay yihiin dad gaalo ah oo aan waxba dhaamin gaalada la isla ogol yahay.! Dadka ku doodaya in konton iyo dhowrka dowladood ee caalamka Islaamka ka jira ay iyaguna gaalo yihiin dadka ku hoos noolna ay la xukun yihiin waxaa ugu waaweyn oo laga soo qaadan karaa laba qolo oo kala ah:

1-Jamaacada Takfiir Wal Hijra.

2-In badan oo ka mid ah Al-Qaacida iyo kooxaha ku fikirka ah.

Kooxda hore ee Jamaacada Takfiir Wal Hijra, iyagu dood badan kuma jirto arintooda waana la wada garanayaa, waxa ayna ku doodayaan in wax Islaam ku abtirsadaa ay iyagu adduunka ka saaran yihiin, wixii iyaga ka soo harana ay yihiin gaalo asal ah iyo murtadiin.

Qolada labaad ayaa u baahan in lagu daaho fikirkooda, iyaga laftooda ayaana sii kala geddisan oo kuwo dhiirran oo aan wax badan ka sokeynin Takfiirka caadiga ah iyo kuwa aan banaanka toos isu keenin oo laakiin fikirkaas aaminsan ayey isu dhexyaalaan.

Si guud Al-Qaacida iyo kooxaha la fekerka ah sida Al-Shabaab waxay isku sheegeen inay iyagu muslimiinta meletaan, iyagoo tiro aad u yar ka ah Muslimiinta, haddana ciddii ay iyagu isku dhacaan waxay ka soo qaadaan cid ay isku dhacsan yihiin Islaamka, isla markaasna qodobada diinta looga baxo waxay ku tiriyaan in iyaga laga horyimaado, aan tusaaleyno.

Waxay dhahaan adduunku wuxuu isu hayaa gaalo oo uu hoggaaminayo Obama iyo Muslim uu hoggaaminayo Ayman Dawaahiri, ama safkeena soo gal ama kan gaalada raac, waxaan aaminsanahay qof aan ereyadaas maqlin waa nagu yar yahay.

Tusaale kale, in gaalnimo lagu raali noqdo waa gaalnimo, “waa qaaciido” sidaas daraadeed dadka ku nool caalamka Islaamka aan anagu u naqaano waxay u arkaan kuwo ku raali noqday gaalnimo, taasna aan caddeyno.

Qormadeenii hore ee Makka iyo Madiina, waxaan ku soo sheegnay inay dhulkaas u yaqaanaan dhul gaalo, faalooyinka ay taageerayaashooda ka bixiyeena waad aragteen, marka ciddii dhulkaas iskaga nool oo aan ka hijroonin ” xagee loo hijroodaa?” waxay raali ku yihiin dhul gaalo.

Tusaale kale, in gaalo laga wali dhigto waa gaalnimo sida ay ku doodaan, dadka aan ka hadleynana waxay galgacal u hayaan qolyaha ay gaaleysiiyeen, sidaas ayeyna diinta uga baxayaan, haddii xukuumta iyo qolyahan ay isqabtaan shacabku waxay la safanayaan xukaamta, taasoo ah waxyaabihii ay dadka diinta uga saari jireen.

Tusaale kale, shacabka ku nool caalamka Islaamka, balse Al-Qaacida iyo xulufadeeda ay bilaad gaalo u arkaan, waxay u codeeyaan dastuurada dalalkaasi ku dhaqmaan, dastuuradana waxay u arkaan in lagu gaaloobo, marka ciddii gaalnimo doorata muxuu xukunkeedu noqonayaa? waa sida ay ku doodayaan.

Tusaale kale, Muslimiinta aan ka hadleyno ee la isku haysto, waxay soo doortaan baarlamaanada, xukuumadaha ay u rakaan kuwo diinta ka baxay, waxaana ogeyn in golayaashaas lagu gaaleysiiyey si cad, marka sow dadku raali kama ahan, mana soo dooran gaalada, sida ay u arkaan, sidaas daraadeed waa la mid.

Tusaale kale oo ka cad, Sheikh C/qaadir Muumin oo ka mid ah culimada Al-Shabaab, wuxuu si cad u sheegay ciddii ka laabata dhulka ay Shabaab maamulaan ee aadda meelaha dowladdu ka taliso inay gaalowday, dhiiggooda iyo xoolahoodana ay xalaal yihiin, wuxuuna ku cileeyey in dhul gaalo maamusho oo dastuur lagu xukumo ay dadku ka dooranayaan dhul lagu xukumo shareeco Islaam, waa sida uu Sheikhaasi sheegaye.

Tusaale kale, Sheikh Xasaan Xuseen oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee la dhacsan fikirka qolyaha aan sheegayo, wuxuu sheegay in maslaxaddu ku jirto in la gaaleysiiyo dadka raacsan maamulada Soomaaliya ka jira ee aan kan shabaab aheyn, iyo weliba culimada ku nool deegaanadaas, wuxuu sidaas ku sheegay risaalo uu ku adkeynayey taageero uu u hayo bayaan dhawaan ka soo baxay culimo  ku shiray Baydhabo, risaaladaas oo ku qoran luuqadda carabigana waxaa laga helayaa bogaga taageera qolyaha aan ka hadlayo, warkaasna wuxuu uga qoran yahay bogga 43-aad.

Bog ay qolyahaasi ku leeyihiin internetka oo lagu magacaabo mimber Al-Towxiid oo ay wax ku qoraan rag diinta yaqaana oo qolyaha aan ka hadelyno taageersan doodahaasi oo qoraalo badan laga sameeyey ayaad ku arki kartaan, waxaana wadaadadaasi qaarkood ayba ku doodayaan in dadka ku nool dalalka Islaamka aan u naqaano, ay dhammaantood gaalo yihiin maadaama ay dhul gaalo ku hoos nool yihiin, tolow kuwooda dhulalkaas ku nool maku jiraan? wadaado kale oo isla mimber kaas wax ku qora ayaa ku doodaya in shacabka lagu imtixaanayo in la weydiiyo waxa ay u arkaan xukuumadaha ay ku hoos nool yihiin, haddii ay gaalo ku sheeyaan ay imtixaanka ku baramoosayaan, haddii ay muslimiin ku sheegaana ay gaaloobayaan.!!

Waxaa xusid mudan in wadaado ku jira mimber kaas ayan la qabin fikradahaasi aan soo sheegnay dadka caalamul Islaami ku noolna waxay u arkaan dad la daciifsado oo Muslmiin ah.

Dadka taageersan fikirka alqaacida iyo kooxaha xulufada la ah, kuli fikirka aan wax ka qoray mawada qabaan, qaarkoodna lamaba socdaan, marka cadaaladdu waxay keeneysaa inaan la isku qaadin, ciddii qabta ee aan arkay ama aqriyey uun baan ka hadlay.

Wixii qalad ah ee aan galay kuma talagelin nafteyda iyo sheydaan ayeyna ka ahaatay, ciddii iga saxdana waan soo dhaweynayaa, waxayna igala soo xiriiri kartaa emailka hoose.

W/Q: C/wali Axmed Muuse

Email: ganeey27@gmail.com

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online