Xadiisyadii lagu haystey Sh Xassan Takar kuwaa Ma ah laakiin waa kuwii Musaylamah
January 2, 2012 - Written byLondon:-Waxa aan akhristayaasha ka daboolayn, Muxaadarooyinkii iyo qoraaladii lagu nashriyey bogaga internetka kuwaas oo ka dhexeeyay culimada iyo dad kale oo arintaa wax ka qoray : Shiikh Maxamed Cabdi Umal, Shiikh Maxamuud Shiikh Maxamed Shible iyo Shiikh Xassan Maxamuud Takar. Anigoo filaya inaad ka dharagsan tihiin, haddana nuxurku wuxuu ahaa Shiikh Xassan Maxamuud Takar oo muxaadaro uu jeediyey ku soo qaatay Axaadiis 5 ah oo uu nabigeena suuban (scw) u tiiriyey, kuwaas oo culimada kale ku adkaatay inay xaqiijiyaan jiritaankooda.
Sh Maxamuud Sh Maxamed Shible ayaa xusay inuu si khaas ah xiriir ula sameeyey in axaadiistan uu meel u saaro Sh Xassan Maxamuud Takar, kadib markii kutub sheikh Takar sheegay inuu ka soo xigtey inaba laga waayey. Sh Maxamuud Sh Maxamed Shible ayaa si xeeldheer uga codsaday in axaadiistaas rasuulka loo tiiriyey (scw) sheikh Takar meel cad saaro si diinta loo hufo.
Sh Shible ayaa ku dheeraaday meel u helida axaadiistaas iyadoo aan wax muhiimad ah la siinayn darajada ay leeyihhn sida, daciif, saxiix iwm. Wuxuu kaloo xusay in uu xataa aqbali karo hadii laga helo kutubta lagu takooray ama sida khaaska ah loogu aruuriyey axaadiista been abuurka ah. Sidoo kale Sh Sh. M shible wuxuu cadeeyey in rasuulka (scw) oo lagu been abuurtaa ay tahay danbi culus, wuxuuna ka codsaday xarakada Al shabaab hadal macnahiisu yahay inay soo dhex galaan oo ka joojiyaan Sh Takar arin diineed in aan wax laga waydiin karin, markhaati iyo meel xaqiiq looga baahan yahayna in uusan wax ka oran karin, maadaama rasuulka (scw) qofkii ku been abuurta aanu wax kale ka gabanayn.
Xadiisyadii lagu haystey Sh Xassan Takar kuwaa Ma ah laakiin waa kuwii Musaylamah
Qore/ Abdirashid Maxamuud.
Faafin: Halgan.net //
Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

.gif)

