Xadiisyadii lagu haystey Sh Xassan Takar kuwaa Ma ah laakiin waa kuwii Musaylamah

January 2, 2012 - Written by

London:-Waxa aan akhristayaasha ka daboolayn, Muxaadarooyinkii iyo qoraaladii lagu nashriyey bogaga internetka kuwaas oo ka dhexeeyay culimada iyo dad kale oo arintaa wax ka qoray : Shiikh Maxamed Cabdi Umal, Shiikh Maxamuud Shiikh Maxamed Shible iyo Shiikh Xassan Maxamuud Takar. Anigoo filaya inaad ka dharagsan tihiin, haddana nuxurku wuxuu ahaa Shiikh Xassan Maxamuud Takar oo muxaadaro uu jeediyey ku soo qaatay Axaadiis 5 ah oo uu nabigeena suuban (scw) u tiiriyey, kuwaas oo culimada kale ku adkaatay inay xaqiijiyaan jiritaankooda.

Sh Maxamuud Sh Maxamed Shible ayaa xusay inuu si khaas ah xiriir ula sameeyey in axaadiistan uu meel u saaro Sh Xassan Maxamuud Takar, kadib markii kutub sheikh Takar sheegay inuu ka soo xigtey inaba laga waayey. Sh Maxamuud Sh Maxamed Shible ayaa si xeeldheer uga codsaday in axaadiistaas rasuulka loo tiiriyey (scw) sheikh Takar meel cad saaro si diinta loo hufo.

Sh Shible ayaa ku dheeraaday meel u helida axaadiistaas iyadoo aan wax muhiimad ah la siinayn darajada ay leeyihhn sida, daciif, saxiix iwm. Wuxuu kaloo xusay in uu xataa aqbali karo hadii laga helo kutubta lagu takooray ama sida khaaska ah loogu aruuriyey axaadiista been abuurka ah. Sidoo kale Sh Sh. M shible wuxuu cadeeyey in rasuulka (scw) oo lagu been abuurtaa ay tahay danbi culus, wuxuuna ka codsaday xarakada Al shabaab hadal macnahiisu yahay inay soo dhex galaan oo ka joojiyaan Sh Takar arin diineed in aan wax laga waydiin karin, markhaati iyo meel xaqiiq looga baahan yahayna in uusan wax ka oran karin, maadaama rasuulka (scw) qofkii ku been abuurta aanu wax kale ka gabanayn.

Xadiisyadii lagu haystey Sh Xassan Takar kuwaa Ma ah laakiin waa kuwii Musaylamah

Qore/ Abdirashid Maxamuud.

abu.ismail40@gmail.com

Faafin: Halgan.net //

 Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.  

 

13 Comments so far

Leave a comment

  1. Waa runtaa walaale awal xaalku wuxuu marayey in ninku meeshu rabo in uu daliil usameeyo uu xadiis qaabkale ufasiri jiray lkn hada xaalku wuxuu marayaa in ninku meeshu rabo inu daliil ukeeno u xadiis isagu sameeyo waxay somalidu dhahda : nin iska dhici iyo Alle kabaq isku meel magalaan sh. Rag ayuu iska dhiciniyey

  2. As wr wb salaan ka gadaal allaah sw hanagu ilnaamiyo wadada liibaanta ,qofkasta waxaa ku haboon in uu gudbiyo ugu yaraana xil iska saaro sidii uu ugu cadaynlahaa axaadiista israailiyadka ah in ayna nabiga loo tiirin karin scw maadaama ay noo cadeeyeen culimadeenii diinka aan uga dambaynay barakalahu fikum, was wr wb.
    A a

  3. walaal Waxaa nagala gudboon in qof kasta oo been abuurkaas radin kara inuu radiyo. Kawaran hadii 100 sano kadib uu qof aan cilmi badan lahayn uu daliishado oo uu meedo xadiisyo run ah. Sh shible kaligiis waa inaan lagu fiirsane ee qofkasta wax ka dhihi kara uu kadhaho, si hadhow qofkii shible radintiisu arki waaya ama aanku raacin uu cidkale oo kahadashay u.

  4. asc wa bacdu.
    walaalayaal maxaa inagala guboon hukum ahaan been abuurkan intaa le/eg.
    hadal haan ma buuxsho.

  5. walaale scw waxaa ka codsanaayaa qoraaga soo qoray maqaalkaan
    1: in uu noo soo gudbiyo axaadiith-ta ayaka oo carabi ah , si aan anaka ba u raadino , 5 axaadiith oo lagu heesto
    2: ma takar baa ugu horeeyey wax axaadiith-taan sheegay ma isaga aliftay mise rag ka horeeyey buu ku raacay
    3: xadiiithka iyo buuwaagta uu asaga ka soo xigtay been ba ha ahaaadeenee inoo sheega si aan u ogaano mid hadda la alifay iyo mid horey nabiga laga alifay

    ALLAH al mustacaan

  6. Waxaa wax laga xumaado ah in Nabiga lagu been abuurto casrigaan oo ay kutubtii axaadiista iyo kombutarkaba ay ka buuxaan oo wax qarsoomi kara eeyan jirin.Nabiga oo lagu been abuurto wey ka duwan tahay shaqsi caadi ah maxaa yeelay hadalka Nabiga salla Alaahu caleyhi wasalam waa waxyi waana sharci ay waajib tahay in lagu dhaqmo

  7. Ma layaabtaan waxyaabaha nimanka website yadan leh ee shabaabka taageera ay soo qoraan mararka qaarkood? Waxaad is leedahay nimanku waxay moodayaan in waxooda ay akhrinayaan dad hada uun baadiya kasoogalay oon waligood alif iyo ba akhrisan.

    Waxaan leeyahay Sh Takar labo been abuur ee lagu haysto oo midna yahay axaadiista, midna yahay been abuurkii culimada uu Umal ka mid yahay ku jiro inuuu meel kusheego. Waxaan Sh Takar iyo raga isku dayaya inay ku taageeraan oo ku qariyaan habaas beentiisa in ay ilaaha abuurtey ee maqlaya ee niyadooda iyo waxa naftoodu ugu sheekaynayso ka baqaan. Waxaan xasuusinayaa aayada uu walaalku maqaalka ku soo qaatay “Markii lagu yiraahdo ‘ilaahay ka baq’ waxaa qaadata cissah ama sharaf ilaalsi danbigiina wuu sii dhex dabaashaa”. Walaalka maqaalka qoray khayr ilahay haku siiyo. Waan filayaa dacwadan barakaysan inaan laga waayan rag badan oo sidan asluubsan, hadana cilmiyeysan u xiwaara. Waxa ugu danbeeya ee raga dacwadan laga filaa waa in sida nimankaa khaladka wax u fahmay loo dhaqmo oo lacaytamo, ama been iyo been-abuur laga shaqaysto.

    Ilaahay ha ina wada xifdiyo

  8. Asc wr wb … Jzka allaah kheyr Halgan.net iyo Qoraaga Maqaalka ..Aad ayaa u mahadsan tihiin sida wanaagsan oo Aad kheyr iyo wanaaga noogu soo gudbisaan ..

  9. Assalamu Calaykum
    Warka culimadu isu dirtay oo baraha internet la isu marisay waaba laga indho qabsan karaa. Laakiinse waxaan ila habboonayn in ay kooxo kale warkii culimada dariiqyo kala baxaan oo isu jawaabaan! Ma afhayeen bay culimada u yihiin? Walaalayaal qofna qof wakiil kama aha, dariiqa naseexaduna sidan maaha ee arrimahan la isku eryayo ha la joojiyo oo ALLE ha laga baqo.

  10. waa maqaal aad iyo aad u qiimo badan, si fiican oo farshaxan ah loo habeeyey, afsoomaali fiican ku qoran, aadaab iyo asluub ixtiraam ku dheehan yahay loo qoray, waa mid jaamic,maanic ah, oo waxbadan koobsaday daldaloolana aan lahayn, su’aashuse waa tolow ma garowsan doonaan kuway ku aadan tahay iyo akhristayaasha la mawqifka ahi talooyinka iyo tusaalayn, wacdiga iy waanada, nasteexada, ku nuuxnuuxsiga xaqiiqada waxa laga waaninayo.

    waxaan leeyahay qoraaga jazaakalaahu khayran, wabaaraka fiik

  11. Maqaalka waxaa ku cad in walaalka Abdirashid Maxamuud ugu yeerayo xarakada shabaab in ee dilaan Sh takar.

    Allahu mustacaan.

  12. kheyr allaha kusiiyo walaalka maqaalka soodiyaariyay saasbaana nalooga baahanyahay gidigeyn inaan u baraarugsanaano alloow culimadana noo ilaali.

  13. khayr allaha ku siiyo waxaan aad ula yaabay markii labadaa nin maqaalada soo saareen ayay aad u farxeen SHABAABKU oo waxay moodeen in laga jawaabay wixii lagu haystay sheekha sidaana uu xujadii uga fakaday laakiin maqaalkan iyo mid kale oo isaguna dabagalay axaadiistii ay meesha ku soo qoreen ayaa meesha ka saraya in SHEEKH Xasan wax howl oo dhaaftay aysan jirin ee arintii weli meesheedii fadhido, lagana sugayo axaadiistii uu dadka ugu muxadareyay meesha uu ka keenay. Waxaa iyana yaab noqotay in qoraagaani kusoo daray Wadaadka wixii laga rabay fatwadii Sheekh Xasan ee Culimada qaar lagu laayay waxa laga yeelayo, oo mar si kale loo fiiriyo arintii hore Sheekh Xasan iyo ilaahay bay ka dhexaysay waxaa soo kordhay xaq binii aadam. bal sheekh Xasanow adigaan ku dhowraynaa waxad maanta la timaadid waana wax si gaara adiga kuu haysta oo aysan waxba ka tiri karin cid kale.

Leave a comment

*