Dastuurka DFKM oo lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah

August 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu ansixyay  Dastuurka ay yeelan doonto DFKM  iyadoo goobta  ay ka socotay  ansixinta  ay ku sugnaayeen ergo gaaraysa ilaa 645 markii la guda galay cod bixinta ayaa ergo gaaraysa ilaa 621 ay ku ansixiyeen  Haa iyagoo ku ansixi yey gacan taag 13 ka mid ah ergada ayaa ku codeeyey MAYA waxaana ka muusay 11 ka mid ah ergada.

Qaabka ay u dhacday codaynta iyo natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay Prof. Xuseen Warsame iyo Nimco Axmed oo  markii ay ku dhawaaqeen natiijada ah in dastuurka cod aqlabiyada ah lagu ansixiyey ay ergadii ansixinaysay dastuurka DFKM ay sacab iyo eragyo ay ku muujinayaan taageerida Dastuurka la ansixiyey ay ku dhawaaqayeen.

Goobta ay ka dhacaysa ansixinta Dastuurka DFKM ayaa waxaa ku sugnaa Raiisul wasaaraha DFKM  Prof C/ Weli Maxamed Gaas,Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux  iyo madax kale oo fara badan , ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa amaanka xarunta School Pulisia  aad u sugaayey.

Raiisul wasaaraha DFKM Dr. C/wali Maxamed Cali oo khudbad ka jeediyay  xaflada ansixinta Dastuurka  ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu ka baxay ku meel gaarnimada  uuna yeeshay Dastuur  iyo dowllada isagoo  ugu baaqay shacabka iyo bulshada soomaaliyeed in ay ka fogaadaan kooxaha burcadbadeedka iyo wax loo yaqaan argagixisada ,Ra’iisul wasaraaha DFKM Prof Gaas ayaa xusay in ergda ansixisay Dastuurka ay mudan yihiin in la gudoonsiiyo shaahdo sharaf.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online