Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaarisa oo xaalad adag ay soo wajahaya(Daawo)

November 20, 2012 - Written by

Garisa:-Dadweynaha magaalada Gaarisa caasimadda gobolka waqooyi bari Kenya, ayaa  xaalad adag wajahaya Ciidamada Militeriga ee dalka Kenya, oo shalay magaalada Gaarisa 3 askari looga dilay ayaa dhibaato xoog leh ka wada magaalada, iyagoona dhibaatadaas u geystay shacabka magaalada ku nool iyo hantidooda.

Maanta oo kaliya waxaa magaalada ku dhaawacmay dad ku dhow 20 qof, hal qofna wuu dhintay, iyadoona  dhaawacyada lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa.

Dadweynaha oo markii horeba la anfariirsanaa jirdil iyo dhac loo geystay hantidooda, ayaa falkan maantana aad uga sii carooday, waxaana sidoo kale hadalo kulul warbaahinta ka jeedinaya xildhibaanada deegaanka laga soo doorto.

Wasiirka Gaashaandhigga Yuusuf Xaajo oo reer Gaarisa ah, ayaa maanta tagay magaalada, iyadoona uu xalay shaaca uga qaaday inuu talaabo adag ka qaadi doono saraakiisha hoggaamineysa askarta dhibaatada ka geystay magaalada Gaarisa.

Hoos ka Daawo Xaalada magaalada Garisa

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online