Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo gobolka Haylaan iyo Sanaag

November 26, 2012 - Written by

Dhahar:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee xarunta gobalka Haylaan ayaa sheegaya in caawa halkaas ay ka jiraan xiisad iyo dhaqdhaqaaaq ciidan ka dib markii ciidamo ka tirsan S/land la sheegay in ay birito  ku soo fool leeyihiin Degmada Dhahar si ay u keenaan sanaadiiqda codaynta doorashooyinka degmooyinka ee Maamulka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo uu la socda abaanduulka guud ee ciidanka Daraawiishta oo wata gawaari badan oo tikniko ah ayaa saaka gaaray  Degmada Dhahar iyaga oo kulamo la qaatay waxgaradka Dhahar sheegayna in aysan aqbali doonin in doorashada degmooyinka S/land ay ka dhacdo gobalka Sanaag .

Ciidamada Somaliland oo shalay soo gaaray tuulada Booda Cad ayaa saaka lagu soo waramayaa in ay dib uga gurteen waxayna haatan ku sugan yihiin Deegaan u dhexeeya Xingalool iyo Ceelbuuh oo lagu magacaabo Jiingada.

Sidoo kale waxaa maanta duhurkii la arkayey ciidamo ka tirsan Madaxtooyada  Puntland oo uu horkacayo Jen. Cumar Cabdullaahi Faraweyne kuwaas ka baxay magaalada Boosaaso kuna wajahan Degmada Dhahar ee xarunta gobalka Haylaan.

Wasiirka Warfaafinta  Puntland Maxamud Caydiid Dirir ayaa wuxuu ku eedeeyey S/land in ay wado dhulbalaarsi wuxuuna ugu baaqay in ay ciidamadeeda kala noqoto deegaanada Puntland .

Magaalada Dhahar ee xarunta gobalka Haylaan ayaa waxaa ka dhacay galabta banaanbax looga soo horjeedo in maamulka S/land iyaga oo dadkii isku soo baxay ay ku qeylinayeen erayo looga soo horjeedo Maamulka S/land iyo Sanaadiiqda Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ku soo fool leh Degmada Dhahar.

Ilaa haatan ma jiraan wax dagaal ama iska horimaad ah oo dhexmaray ciidamada Maamulka S/land iyo Puntland ee isku khilaafsan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag balse odayaasha iyo waxgarada Degmada Dhahar ayaa caawa soo jeediyey in ciidamada laga saaro Degmada Dhahar lana joojiyo wafdiga S/land oo ku soo wajahan Degmada balse lama ogo in ay aqbaleen labada dhinac iyo in kale.

M_M Deeq
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online