Madaxweynaha Dowladda Puntland xariga ka jarey xabsiga weyn ee magaaalada Qardho

November 25, 2012 - Written by

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sh Maxamed Faroole ayaa maanta waxaa uu  xariga ka jarey xabsiga weyn ee magaaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar kaas oo uu dhismihiisu uu socday mudo ku dhow afar sanno.

Xaflada furitaanka Xabsiga weyn ee magaalada Qardho ayaa waxaa madaxweynaha ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ,wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh ,taliyaha ciidanka Daraawiisha Puntland Gen.Siciid Dheere ,Taliyaha ciidanka Asluubta Gen.Cali Nuur Cumar oo saraakiil iyo masuuliinta gobalka Karkaar.

Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa furitaanka xabsiga weyn ee magaalada Qardho Nabadoono iyo waxgarad ka tirsan degmada Qardho   Xabsigan ayaa waxaa maalgaliyey Hay,da UNDP wuxuuna ka kooban yahay sadexqeybood oo midkiiba 13qol yahay waxaana qolkiiba lagu xiri karaa 8qof .

no images were found

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar ayaa ka hadlay xaflada waxaana uu balan qaaday in dhaqan celin ay u sameydoonaan dadka lagu soo xiro xabsiga ayna ilaalin doonaan xuquuqdooda.

Madaxa UNDP Puntland  Mr.Kean Tran oo ay hayadiisu dhistay xabsigan ayaa goobta ka hadlay waxaa uu balan qaaday in ay sii wadi doonaan sii wadi doonaan  tababaro iyo siminaaro ay siiyaan ciidanka Asluubta ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online