Suuqyada Islii oo albaabada loo laabay iyo dadka oo dareen ku joog ah

November 19, 2012 - Written by

Nairobi:-Suuqyada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa saaka albaabada loo laabay, iyadoo dadkuna ay dareen ku joog yihiin. Gnacsatada Soomaalida ah ee ka shaqeysta suuqyada waaweyn ee xaafadda Islii, ayaa saaka meheradahooda xiray, ka dib markii uu soo batay dareenka ah in dad Kenyaan ah ay soo weerarayaan, iyadoona dadka loogu baaqay inay is dajiyaan.

Dadka Kenyaanka ah ee ku nool xaafadaha dasirka la ah Soomaalida, ayaa la arkay iyagoo dhalinyaradoodu is abaabulayaan, waxaana xusid mudan in uusan jirin mowqif mid ah oo Soomaalida looga soo horjeedo, balse dad dhalinyaro u badan oo dhac doonaya ayaa xaaladda kicinaya, si ay dadka u baqdin geliyaan, danahoodana u gaaraan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto xaafadda Kaamakunji, ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay is dajiyaan, isla markaasna ammaankooda cidina ayan wax u dhimi karin, isagoona dadka kale ugu baaqay inayan bulsho gaar ah bartilmaameed ka dhiganin, si aan looga dhex faa’iideysanin.

Shalay galab ayey aheyd markii gaari bas ah la qarxiyey, kaasoo ay ku dhinteen 7 qof 30 kalena ku dhaawacmeen, waxaaa markaas dhacday in dad dhalinyaro u badan ay Soomaalidii  ku soo weerareen dhagxaan, waxaana markii dambe soo dhex galay ciidanka Bileyska oo rasaas ku kala eryay.

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online