Xoghayihii hore ee M- hore ee Puntlland Cadde Muse Faarax Cabdullaahi oo la sii daayey

November 8, 2012 - Written by

Boosaaso:-Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa saaka laga sii daayey Xabsiga magaalada Boosaaso ka dib markii odayaal iyo waxgarad kale ay ay Madaxda dowllada Puntlland ay ku cadaadiyeen in la sii daayo  Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan oo ah nin ganacsade oo ku nool hadda magaalada Boosaaso.

Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen.Cadde Muuse , Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan  ayaa waxaa uu sheegay in isagoo xafiiskiisa joogay ay u yimaadeen ciidamo ka tirsan Booliska Boosaaso iyo ciidanka Badda iyagoo wiidiiyey in ay jiraan wax bayaano ah oo uu u qoray saxaafada ka dibna uu tusay bayaan uu hayey dabadeedna ay ku amreen in uu raaco oo uu xiran yahay sidaasna lagu xiray.

Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi , Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan  ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka xiray iyo ciidanka ilaalada Xabsiga Boosaaso ay si wanaagsan ula dhaqmeen saacadihii uu xirnaa  wax dhibaato ahna uusan la kulmin marka laga reebo in lagu xiray oo kaliya aragti uu ka aaminsan yahay dowllada Puntlland iyo waqti korarsigeeda oo uusan raacsanayay sidda ay la qabaan dad badan oo ku dhaqan degaanada Puntlland.

Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi , Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan  ayaa saxaafada u sheegay in wax danbi baaris ah ama waraysi ah aan lala yeelan ilaa intii uu ku xirnaa Xabsiga Boosaaso, Ugu danbayntii ayaa Xirsi Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan waxaa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool degaanada Puntlland in ay ilaaliyaan nabadgelyada  oo ah arrinta ugu muhiimsan waxaan  kale oo ugu baaqay madaxda Puntlland in dalka aysan ka abuurin khalkhal oo ay xukunka iskaga dhiibaan siddii iyagaba loogu dhiibay.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online