​Muxaadaro Axkaamta Jimcaha Sh.Muxamed Jawhari

December 21, 2014 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Waxaa maanta lagu qabtay Muxaadaro diini ah Masjidka Abuu-hurayra ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada Israac waxaana soo jeedinayay Sh.Muxamed Jawhari waxaana uu kaga hadlay Axkaamta iyo Aadaabta Maalinta Qiimaha badan ee Jimcaha.

Sh.Muxamed waxaa uu ugu horayn ka hadlay Qiimaha iyo Dheeraadka ay Maalintaani leedahay waxaana uu sheegay inay tahay Ciida Isbuuca Muslimiintuna ay leeyihiin labo Ciidood oo waawayn oo kala ah Ciidul Fidri iyo Ciidul adxaa Jimcuhuna uu yahay Ciida Sadexaad ee Muslimiinta.

Shiikhu waxaa uu sheegay in Salaada Jimcuhu ay tahay Waajib laga doonayo Qof walba oo Muslim ah hadii uusan Cududaar Sharciya lahayn Dadka uusan Jimcuhu waajibka ku ahaynna waxaa kamida Dumarka, Caruurta, Adoomada, Socotada (Musaafir), Jiranayaasha (Mariid) iyo Qof walba oo Cududaar sharci ah leh.

Waxaa kale oo uu Shiikhu sheegay in Qubaysku uu Waajib yahay Qofkana loo suneeyo inuu isasoo udgiyo haduusan Dumar ahayn, uuna saliid soo marsado , waxaa kale oo laga doonayaa Qofka inuu soo xirto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan isagoo sheegay in Cadaanku mudnaanta koowaad leeyahay, Qofkana aan loo baahnayn in uu yimaado isagoo ur qarmuun ay kasoo urayso urtaasi wixii doona ha keenaane, Qubays la’aan toon basal iyo sigaar oo isaguna aad u daran.

Waxaa Sh.Jawhari uu kusoo celceliyay inay haboontahay loona baahanyahay Dadku inay mar hore yimaadaan waxaana uu sheegay in Maalik ay Albaabada Masaajida taagan yihiin isla markaana ay qorayaan Dadka ajaradooda iyo sidii ay usoo kala horeeyeen Qofka Saacad hore yimaadana uu ka dhiganyahay Qof Neef geela sadaqaystay oo kale Ajarkiisa , kii saacada labaad yimaada sidi Qof Lo’ sadaqaystay oo kale kii saacada Sadexaad yimaadana sidii Qof wan sadaqaystay oo kale Saacada 4aadna Digaag tan Shanaadna ukun markii Imaamku yimaadana ay soo galayaan Masjidka si ay Dikariga Alle u dhagaystaan, Shiikhu wuxuu sheegay inay Nasiib xumo tahay in Dad badani aysan xataa Ukunta soo haleeyin taasina loo baahanyahay in aan meesha ka saarno oo Masaajida xili hore lasoo camiro maadaama aan shaqo kale lahayn.

Sh.Muxamed waxaa uu sheegay inay Sunne tahay in Iimaamka loosoo dhawaado Qofkii imaamka ka fogaadana Janada galitaankeeda laga dib dhigayo , Qofkana looga baahanayahy marka uu soo galo Masaajidka in uu Taxiyatul Masjid tukado islamarkaana aysan jirin Sunne ka horaysa Jimcaha oo marka Salaada la adimo la tukado, Maalinta Jimcahana aysan banaanayn in Xalaqo loo fadhiisto ujeedkeedu wuxuu doono ha ahaadee xataa Cilmi,

Waxaa intaasi uu ku daray Shiikhu in Salaada Jimcuhu ay hal adin leedahay sidii arinku ahaa Xiligii Nabiga , Abuubakar iyo Cumar , adinkii uu Cuthmaan soo kordhiyay ay dankeentay Suuqana laga adimo jiray maadaama hada ay makarafoono jiraanna aan loo baahnayn adinkaasi, adinku haduu mar dhacana wax walba oo kaa mashquulinaya Jimcaha waa xaaraan oo Iibsigu uu kow ka yahay.

Sh.Jawhari wuxuu sheegay in Khudbadu ay tahay Shardi ansixitaanka Jimcaha la’aanteena Jimce aysan jirin oo Dikirgii Alle meesha kabaxayo, waxaa uu intaasi raaciyay waxyaabaha looga baahanyahay Qofka Khudbada so jeedinaya iyo Qofka Dhagaysanaya waxaa uu Shiikhu aad ugu dheeray Xaaraantinimada ku hadlida Khudbada dhexdeeda oo dhagaysiga Khudbadu waa waajib , Waxaana lagu bilaabayaa Khudbada Mahdinta Alle iyo Saliga Nabiga is xasuusinta Alle ka cabsiga waxaana fiqiga Khadiib kamida in uu Khudbada gaabiyo Salaadana dheereeyo.

Salaada Jimcaha sida sunaha ah waxaa lagu tukanayaa Jumac iyo Munaafiquun Qofkii ay dhaaftana waxaa uu tukanayaa Salaad oo Afar Rakcadood ah ayuu yiri Sh.Muxamed Jawhari.

Si kastaba ha ahaatee Muxaadarada ayaa waxaa ku xigay Su’aalo dhawr ah oo Shiikha lasoo waydiiyay uuna ka jawaabay waxaana Muxaadarada Dhagaysanayay Dadwayne aad u farabadan.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Madax Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online