Culimada Nadwada ka waday Masjidka Al-hudaa ee Garoowe oo naseexo u jeediyay golaha wasiirrada ee Puntland

December 19, 2014 - Written by Editor

IMG-20141218-WA0009Garoowe:-Waxaa saaka abaarii 9:30 culimada nadwada ka waday magaalada Garoowe ay booqasho dacwadeed ugu tageen golaha wasiirrada dawladda Puntland halkaa oo culimada si wanaagsan loogu soo dhoweeyey , Madaxwayna ku xigeenka dowladda Puntland Eng. C/xakiin Cumar Camay, bogaadin iyo salaan iyo mahadnaq ka gadaal waxa uu ku soo dhoweeyey Sh.C/naasi Xaaji Axmed, oo culimada hogaaminayey.

Golaha wasiirada ee dowladda Puntland ayaa waxaa kalimadii naseexada u jeediyey Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur, naseexada uu Sh Fu’aad u jeediyey golaha xukuumadda ee Puntland ayaa waxaa ay taabanaysay  qodobo dhowr ahaa waxaan ka mid ahaa

 

1. Culimadu waxa ay uga mahad celiyeen madaxwaynu ku xigeenaka iyo wasiirada soo dhowaynta iyo sida ay u qadarinayaan culimada uguna heelan yihiin inay dhegaystaan nasiixadooda.

2. In ay mas,uuliyiintu ilaahay uga baqaan mas,uuliyada ay u hayaan ummadda, dhawraana xududa alle, islamarkaana u turaan shacabka ay masuuliyiinta u yihiin ee xilka u igmaday.

3. Inay mas,uul ka yihiin in ay shacabka u ilaaliyaan diinkooda iyo dunidoodaba, waxayna culimadu aad ugu dheeraadeen in aysan ilaahay col la noqon isla markaana ay ilaahay u hiiliyaan kana fogaadaan wax walba oo cara ilaah keeni kara,islamarkaana mashaaikhdu waxay aad u cadeeyeen in dawladu ay aad xil isga saarto dhawrida diinka waxa ayna ugu baaqeen in dawladu xeerar iyo hanaan ka yeelato qofka caaya muqadasaadka umada sida ilaahay, diinta , rasuulka.

4. Waxay culimadu ku waaniyeen mas,uuliyiinta xasuusiyeenna inay ku dhaqmaan dawlad wanaag, kana fogaadaan musuqmaasuqa ogaadaanna in la isla xisaabtami doono maalin danbe ee aanu qofku alle ka baxsan karin.

5. Culimadu waxay ku dheeraadeen in dawladu ay xil iska saarto shaqaalaha rayidka iyo kan ciidanka ahba oo ay ku dadaasho sidii ay u heli lahayeen xuuquqdooda mushahar bil walaba si uu si habsami leh u guto hawsha iyo waajibaadka loo egmaday.

no images were found

6. Waxay culimadu ku waaniyeen mas,uuliyiinta in ay si degdega u dhexgalaan waxna uga qabtaan beelaha walalaha ah ee ku dagaalamaya degaanno ka mid ah degaanka karkaar, kuna tirtirsiiyeen inay dhexdhigaan ciidan, si wax looga qabto dadka tirada yar ee hurinaya colaadda labada beelood ee walaalah ah.

7. Waxa kale ee culimadu ku waaniyeen masuuliyiinta in ay ka shaqeeyaan midnimada soomaaliyeed, iyo walalaynta umada somaaliyeed
Ugu danbayntii culimadu waxay ugu duceeyeen mas,uuliyiinta in ilaah waafajiyo sida uu raaliga ka yahay, kana ilaaliyo wixii uu ka carooonayo, ilaahna uu u fududeeyo dhawrida iyo u turida bulshada ay mas,uulka ka yihiin:-

Culimadii goob jooga ahayd :-

1. Sh / C/naasir Xaaji Axmed

2. Sh. Maxamud Xaaji Yuusuf

3. Sh Xasan Maxamed Muuse ( bookh )

4. Sh. Fu,aad Maxamuud Xaaji nuur

5. Sh. Axmed Cabdi samad

6. Sh . Xasan Maxamed Ibaraahim

7. Sh . C/qani Qorane

8. Sh. Maxamed C/laahi C/lle

9. Sh. Cismaan Maxamud Xaaji dirir

10. Sh. Yaasiin C/laahi Axmed

Mu’assat Al-minhaaj
Nuur Jaamac, Garoowe

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online