Khibrad Dacwo : UL baad wadataan W/Q Sh Cabdibaasid Maylow

December 23, 2014 - Written by Editor

ShAbdibaasidSagaashameeyadii Qarnigii tegey waxaan la socdey Sh.Maxamed khayr Cimraan (AHU) oo ka mid ah Culimada Soomaalida ugu waaweyn Sacuudiga mar uu boogasho ugu tegey Sh.Xasan Al Saa’ig oo ahaa Madaxa Markazka Dacwada ee Islamic University ee Madiina , labada sheekh waxay ahaayeen Saaxiibo in badan is yaqaaney , Dacwada in badan ku dhexjirey , khibrad badan haya .

Markii la is marxabeeyey oo Cashadii la cuney ,waxa uu mid walba ka sheekeeyey qaar ka mid ah waxyaabihii uu la kulmey Intii uu Dacwada ku dhexjirey.

Wixii ugu muhimsanaa ee aan kulankaa ka faa’idey habeenkaas iina noqotey Dersi aan ku lifaaqey Nolosheyda waxaa ka mid ah Sheekho uu ka sheekeeyey Sh. Xasan, wuxuuna yiri : waxaan booqasho Dacwadeed ku tagay Magaalada Mombasa ee Kenya ,waxaan marey Inta badan Masaajidadeeda oo aanan wax dhibaato ah kala kulmin , waxaa la ii sheegey inuu jiro Masjid ay leeyihiin Walaalo raacsan Dariiqada Suufiyada , waxaan ka codsadey Ragii ila socdey inay ogolaansho ii soo weydiyaan Maamulka Masjidka, anoo dareensanaa Inuu jiro xoogaa Shaki ah waxaan ku iri hadey idin weydiyaan Qofkaan ahay waxaad ku tiraahdaan waa Sheekh Carbeed ,wey ogoladeen codsigeeni , waxaan xirtey Qamiis iyo koofiyad Cumaani (barawaani) ah, markii ay Salaadu dhamaatey waxaan bilaabey hadalkeygii anigoo ku furfurtey muhimadda ay leedahay Salaada iyo ku dayashda Imaamka , fadliga Jameecada , Alkhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan, ka dheeraanta Xumaanta , ka dibna waxaan ku dheeraadey Usuusha Islaamka iyo tiirarkiisa, Towxiidka Alle , waxaan dulmarey qodobo badan ,waxaan hadalkeygii ku soo gunaanadey Mahadnaqaan u Jeediyey Imaamka Masjidka, Maamulka iyo Jameecada Masjidka.

Waxaa iga Daba istaagey Imaankii Masjidka oo soo dhaweeyey kalimadaydii Dadkiina ku yiri waxa uu sheekhu idiin sheegey waa Xaq oo qaata kuna dhaqma. Markii uu intaa yiri baa waxaa dhawaaqey Qof meesha fadhiyey oo ku yiri : waxa aad hadda leedahay waa Xaq waxaan kuu sheegeyney labaatan kii Sano ee la soo dhaafay waadna naga diidaneyd ,Imaamkii wuxuu ugu jawaabey oo ku yiri : Haa waa Runtaa , laakiin Ul baad noo wadateen , ( ee Waxaad rabteen inaad nagu tuntaan oo garaacdaan , ee maydaan soo marin waddadii fiicnayd ee Dadka wax loogu sheegi lahaa ) .

Ka dibna Sheekha wuxuu ku dheeraadey in habdhaqanka qaarkii uu keenayo in dadka ay ka fogaadaan Culimada iyo Dacwadooda. Waxaan kala soo baxay Arintaan Sheekha noogasheekeeyey amuurahaan soo socda :-

– Dacwada waxay u baahantahay khibrad iyo in la fahmo Dadka lala hadlaayo.

– Ad adayga wuxuu keenaa Canaad iyo Diidmo.

– Dadka oo la xukumo intaa lala hadlin ama aan lala kulmin waxay keentaa isfaham darro.

– Dadka oo la Ixtiraamo lana siiyo xushmada Diimeed iyo Bulsho ay leeyihiin waxay keentaa
in xiriirka hagaago.

– In wacdiga laga bilaabo wixii la Isla ogol yahay intaan la gaarin waxa la Isku diidan yahay ,
waxay adkeysaa xiriirka Culimada .

– Dadka oo lakala saaro iyadoon wax sabab sharci ah jirin , waxay ka mid tahay dhibaatooyinka aan daawada lahayn.

– Qofna Xaq uma leh inuu yiraahdo aniga oo keliya ayaa sax ah.

– Dacwada waa Naxariis oo ma aha Jeedal Dadka lagu garaaco.

– Ra’yiga kala duwan wuxuu keenaa Awood .

– Maamulada Masaajidada waxaa saaran Mas’uuliyad, waa iney ogaadaan inuu yahay
meel dadka lagu kulmiyo oo aan lagu kala geyn.

– In Dadka lagula hadlo waxay garanayaan, waxay fududeysaan Dacwada hor u socodkeeda.

– Inaan Masaa’ilka Khilaafka ah aan Caamada lagala hadlin.

– In laga idin qaado Maamulka Masjidka waa arin muhim ah .

– Qofka Culimada ah waa Inuusan isku soo koobin hal Masjid oo keliya , haddii uu awoodo inuu kuwa badan la shaqeyn karo iyo intaa wax ka badan.

W/Q A.basid Maylow
21/12/2014

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online