Madaxweynaha DFS oo Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixintii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid

December 24, 2014 - Written by Editor

6Mogadishu:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud, ayaa mudanyaaasha iyo weliba Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmarke.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in Xildhibaannada Baarlamaanka fadhiyay ay dhammaantood cod oggolaasho ah ay ku taageeraan ansixinta Ra’iisal Wasaaruhu in ay ka tarjumeyso in uu yahay mas’uul magacaabiddiisa aad loogu qanacsan yahay, aadna loogu hanweyn yahay waxqabad muuqda in uu la yimaado.

Waxaan mar kale u ballan qaadayaa Xubnaha Baarlamaanka in Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaruhu soo dhisayaa ay noqoneyso mid inta suurta gal ah ay ku mideysan yihiin xoogagga siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay tallaabada horumarka ah eek u wajahan dhismaha Xukuumadda Soomaaliya ee maanta uu Baarlamaanku meelmariyay, wuxuuna bulshada u ballanqaaday in lagu dhakhsan doono dhammaystirka dhismaha Xukuumadda si loo guda galo howlaha waaweyn ee wax ka qabadka u baahan.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu u hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid, oo maanta uu Baarlamaanku ansixiyay. Wuxuuna u rajeeyay in uu ku guuleysto mas’uuliyadda culus ee loo xil saaray.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online