Mu’assasada Al-minhaaj Galdogob oo kulan u samaysay qurbajoogta (Masawiro)

December 17, 2014 - Written by Editor

10436312_847045512018831_5386434395886174870_nGaldogob:-Maalinimadii Isniinta ee ku beegnayd 15/12/2014 ayaa Mu’assasada Alminhaaj Galdogob waxay u samaysay kulan qurbajoogta deegaanka ee ka kala yimid daafaha aduunka, ayadoo lagu jiro fasaxii qaboobaha.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay daraasad ay Mu’assasadu ka samaysay sidii degaanka lagu hormarin lahaa iyo sidoo kale waxqabadkii Mu’assasada mudadii koobnayd oo ay ka shaqaynaysay deegaanka.

Qurbajoogta ayaa dhankooda amaanay oo soo dhaweeyey waxqabadka Mu’assasada soona jeediyey talooyin badan oo wax ku ool ah.


Fursadaha wax ku oolka ah oo uu haysto deegaanka Galdogob ayaa waxaa kamid ah inay jirto jaaliyad balaaran oo daafaha aduunka kala joogta, halka qaarkood qoysasku u dagan yihiin oo ay soo booqdaan xiliyada fasaxa ah, qaarna ay siyaabo kale u yimaadaan.

Qurbajoogta kulanka ka qayb gashay oo ka kala timid Afrika , Ameerika iyo Yurub ayaa aad ugu riyaaqay macluumaadka ay ka heleen kulanka iyo warbixinta soona dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah, waxaana la isku waydaarsaday fikrado ku saabsan sidoo loo xalin lahaa dhibaatooyinka hor taagan horumarka deegaanka, loogana qaybqaadan lahaa kaabayaasha nolosha ee deegaanka, waxayna balan qaadeen inay gaarsiinayaan fariinta Mu’assasada meelihii ay ka yimaadeen.

no images were found

Mu’assasada ayaa dhankeeda ka dalbatay in qurbajoogtu ay khibradahooda iyo aqoontooda uga faaiideeyaan deengaanka.

Mu’assasada Alminhaaj Galdogob
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online