Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo socdaal dacwo ku tagay magaalada Kampala (Masawiro)

December 24, 2014 - Written by Editor

Sheekh-BashiirKampala:-Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hay,da culumada Soomaaliyeed ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee magaalada Kampala.

Gudoomiyaha hay,da culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa dowro diini ah oo lagu qaban doono magaalada Kampala gaar ahaan Masjidka Al-Tawxiid.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Kampala qaar ka mid ah culumada iyo ducaada ku sugan magaalada Kampala.

Gudoomiyaha hay,da culumada Soomaaliyeed ayaa ku sugnaan doona dhowr bari magaalada Kampala wuxuuna ka jeedin doonaa muxaadaraad kala duwan.Muxaadarada 1aad ayaa Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxaa uu jeedin doonaa habeenka Khamiista  Masjidka Al-Tawxiid ee magaalada Kampala.

no images were found

Ma aha markii ugu horaysay oo uu Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hay,da culumada Soomaaliyeed socdaal dacwo ku tago magaalada Kampala.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadaraadka uu jeediyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Abdi Samed Hassan Hersi
Kampala
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online