Taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka Jubbaland Col Yaasiin Raadeer oo la dhaawacay

December 23, 2014 - Written by Editor

raadaarKismaayo:-Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labo nin oo hubaysan ay weerareen Col.Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo ka mid ahaa Saraakiishii Maamulkii KMG ee Jubba marna ka soo noqday gudoomiye ku xigeen.

Col.Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) ayaa la sheegayaa in rasaastu ay ka haleedhay madax lugaha iyo caloosha , labada nin ee weeraray Col Yaasiin ayaa warar kale duwan ka soo baxayaan qaabka ay u weerareen , wararka qaar ayaa sheegay in gaari uu saarnaa Col Yaasiin Nuur Gaas ay rasaas huwiyeen halka wararka kalena ay sheegayaan in ay ku weerareen Hotel Tawakal.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Maamulka Jubbaland Maxamuud Maxamed Qaalib oo la hadlay saxaafadda ayaa beeniyey warar ay qoreen qaar ka mid ah saxaafadda ka howl gasha magaalada Muqdisho oo tabiyeyy in weerarka lagu qaaday Col Yaasiin Nuur Gaas ay fuliyeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubba.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Maamulka Jubbaland Maxamuud Maxamed Qaalib ayaa ku eedeeyey in weerarkaas ay fuliyeen ururka Al-shabaab ayna gaari uu saarnaa Col Yaasiin Nuur Gaas ay rasaas ku fureen isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay in weerarku ka dhacay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Maamulka Jubbaland Maxamuud Maxamed Qaalib ayaa yiri ” Adeer weerarka waxaa fuliyey nimankii munxarifiinta ahaa ee Al-shabaab ee dadka dilka la goobi jiray, dhacdaan waxaan ku haynaa baaritaan.”

Ma ah markii ugu horaysay oo ay ururka Al-shabaab ay isku dayaan in ay dilaan masuul ka tirsan maamulka Jubbaland ,Col.Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) ayaa horay uga badbaaday isku day dil waxaan lagu soo daaweeyey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu booqasho ugu tegay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa ku eedeysay Maamulka Jubaland in ay ka danbeeyaan weerarka lagu qaaday Col.Yaasiin Raadaar.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online