Wasiirka shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha PL oo kormeeray Dugsiyada Farsamada ee Qardho.[Video/Masawiro]

December 20, 2014 - Written by Editor

1Qardho:-Wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda Puntland C/raxmaan Sh.Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku maray dhamaan dugsiyada Farsamada ee magaalada qardho wasiirka ayaa goobaha uu kormeerka ku maray waxa uu kula kulmay dhamaan Masuuliyiinta xarumahaas iyo ardayda ka faaiidaysanaysa.

Wasiirka ayaa ugu horayn waxa uu kormeerkiisa ku tagay Iskuulka Farsamada ee GTVC oo ah Iskuulka ugu wayn ee laga barto farsamada gacanta ee magaalada qardho wuxuuna galay dhamaan fasalada lagu baro ardada farsamooyinka kala duwan sida Korntada, Tubada iyo Harqaanka.

Intaa kadib ayaa wasiirka iyo wafdigiisa waxa ay kormeer ku tageen qaar ka mid ah iskuulada kale ee lagu baro ardada farsamooyinka kala duwan sida dugsiga Garwo net oo ah xarun lagu baro dumarka farsamooyinka gacanta.

Wasiirka ayaa gabagabadii kormmerkiisa waxa uu saxaafadda uga warbixiyay ujeedka safarkiisa wuxuuna yiri waxa aan qardho u soo gaarnay inaan u kuurgalno sida ay u socdaan mashaariicda lagu baro dadka danyarta ah siiba haweenka farsamooyinka gacanta oo ah farsamo ay ku shaqaystaan wuxuuna sheegay wasiirka in mashruuca uu si wanaagsan uga hergalay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho oo markii hore ahaa goobihii laga bilaabay mashaariicdan loogu danaynayo haweenka iyo dhalinyarada waxaa kaloo laga bilaabi doonaa buu yiri wasiirka mashaariicda noocaan oo kale ah dhamaan deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhamaan Hay’adaha taageera barnaamijyadan iyo ururada fulinaya howshan wuxuuna aad ugu mahadceliyay Hay’adda DRC oo mashruucan si wanaagsan uga qaybqaadatay.

Sanadihii u dambeeyay puntland waxaa ka socday dadaalo loogu jiro sidii dhalinyarada xirfado iyo shaqooyin loogu abuuri lahaa si looga weeciyo Tahriibta iyo Burcadbadeednimada iyadoo dugsiyada farsamada gacanta ay ka soo bexeen dhalinyaro ku shaqaysta xirfadooda.

no images were found

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Wasiirka shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha PL oo kormeeray Dugsiyada Farsamada ee Qardho

Daauuud Maxamad Xasan (Daauud Geerow)
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online