Isii codkaaga 1aad Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Maxamed Shiine)

April 24, 2015 - Written by Editor

IMG_5474Leicester:-Magaceyga waa Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Maxamed Shiine), waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo aad ugu dadaala dhammaan communitiyada kala duwan sidda Muslimka, madowga iyo waliba inta laga tiro baddan yahay. Waxaan ahay shaqsigii ugu da’da yaraa ee abid iska soo sharaxa dalkan Ingiriiska oo ka yimid bulshooyinka laga tiro baddan yahay.

Waxaa ahay xubin ka tirsan guddiga Voice for Change England, waxaan kale oo ahay gudoomiyaha 1NE Youth, waxaan kale oo ahaa xubin ka tirsan golaha dhalinyarada deegaanka ee Leicester City Council. Waxaan ahay arday kasoo  baxay iskuulkii MOAT Community College, welina waxaan ahay arday.

Waxaa igu kalifay inaan u istaago doorashadaan si aan u raadiyo xuquuqda dhalinyarada iyo dhammaan dadka laga tiro baddan yahay ee ku nool Leicester. Waxaan ahay shaqsigii u istaagay in aan la xirin libareerigii St Matthews ka dib markii la rabay in la xiro. Waxaan Communitiga u soo qabtay howlo fara baddan. Waxaan ahay shaqsi u taagan had iyo jeer in uu ka shaqeeyo horumarka communitigiisa.

Intii aan ku noolaa Ingiriiska waxaan fursad u helay in aan aado waddamo fara baddan kuwaasoo aan kasoo helay waayo aragnimadeyda la xiriirta howlaha communitiga. Waddamada aan tegay waxaa ka mid ah Egypt, Pakistan, Canada iyo Sweden oo ah halkii aan ku dhashay.

Waxaan ahay 21 jir doonaya in uu wax baddan ka badalo qaab nololeedka dhalinyaradeena iyo dhammaan bulshooyinka laga tiro baddan yahay. Fadlan isii codkaaga si aan xaqaaga u raadiyo. Waxaan ahay shaqsi sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada soomaaliyeed ee ku nool Leicester. Waxaan rajeynayaa in aan tusaale wanaagsan u noqdo dhammaan dhalinyarada soomaaliyeed eek u nool UK.

Sii codkaaga 1aad Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Maxamed Shiine)

no images were found


Mohamed Ahmed

Chairman of 1ne Youth
Trustee of Voice 4 Change – England
Candidate for Councillor standing in Wycliffe Ward for TUSC 2015.
Ex-Member of Leicester City Youth Council
Mobile: 07539489912

 

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online