Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo Mahad celin u jeediyey beesha caalamka.[Masawiro]

September 29, 2015 - Written by Editor

m.xasan_New York, 28 September, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaaney dalalka beesha caalamka ee ka qeybgaley shirkii gaarka ahaa arrimaha Soomaaliya looga hadlayey ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Madaxweynaha aya sheegay in Soomaaliya ay dadaal badan u gashey sidii waddanka iyo shacabka loogu abuuri lahaa mustaq bal wanaagsan oo ku dhisan dimoqraadiyad, nabad ku wada noolaansho Soomaalida dhexdeeda iyo caalamka intiisa kale, iyo horumar sidaa darteedna ay Soomaalida u arkaan taageerada caalamka mid muhiim u ah ka guul gaarista hadafkaasi.

Shirkan gaarka ah ee heerka sare ee wada shir guddoominayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah.

Madaxda iyo wakiilada kale ee shirkan ka hadashey ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Britain, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynayaasha Uganda, Kenya,Madaxweyne ku Xigeenka Burundi, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway, xubno ka socdey Mareykanka, Denmark, Finland, Australia, Baanka Adduunka iyo kuwo kale.

no images were found

— DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyada Federaalka ee Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online