Iska horimaad kooban oo ka dhacay degmada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud

January 17, 2017 - Written by Editor

Cadaado:- Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud oo xarun KMG u ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegay i iska horimaad hubaysan uu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Nabad Sugida iyo Booliska Gal-Mudug. Iska horimaadka ayaa waxaa uu sabab u ahaa ka dib markii ciidamo ka tirsan nabadsugida oo taageersan madaxweyaha maamulka Gal-Mudug Cabdikariim Guleed oo doonayey in ay is hortaag ku sameeyaan Xildhibaano ka tirsan maamulka Gal-Mudug oo doonayey in ay qabsadaan kulan iyadoo Ciidanka Booliska Gal-Mudug ay ilaalo u ahaayeen Xildhibaanada taasna ay sababtay isku dhaca labada ciidan.

Isku dhaca labad ciidan ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 4 askari uu ka tirsan ciidanka Nabad sugida halka Ciidanka Booliska Gal-Mudug ay ka dhaawacmeen 3 askari. Waxgaradka ku dhaqan degmada Cadaado ayaa ku guulaystay in ay kala dhex galaan ciidamada uu isku horimaadka hubaysan uu dhexmaray.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Cabdikariim Guuleed iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Gal-Mudug ayaa gaaray meel xasaasi ah ilaa iyo intii ay Xildhibaano gaaray ilaa 54 Xildhibaan ay sheegeen in ay xilkii Madaxweynanimo ee Gal-Mudug ay ka qaadeen Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariim Guuled walow uu arrinkaas ku tilmaamay mid aan si sharci ah loo marin.

A/cawaale
Halgan.net

.

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online