Musharax Dr. Cali Xaaji oo walaac ka muujiyey dhalinyaro laga soo celinayo wadamada Norwey iyo Maraykanka

January 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Sidaan ognahay mudo dheer dhalinyarada soomaaliyeed waxa haysatay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen shaqo la’aan, nabadgelo xumo, daryeel xumo iyo ayagoo aan helin dawladii keeni lahayd sidii dhalinyaradaas loo daryeeli lahaa, taas oo ay u sii dheer tahay xagjirnimo iyo burcad badeed inay ka badbaadaan, Sababtaas awgeed ayaa dhalinyaro badan ay ku kaliftay in ay naftooda badbaadiyaan ayna u cararaan wadamada dibadaha gaar ahaan wadamada reer yurub iyo Ameerika, Qaar badan oo ka mid ah waxay naftooda galiyeen halis iyagoo tahriib ku maray badda.

Dhaliyaraas dhibka faraha badan ku haysay wadanka oo si aad u adag ku gaaray wadamo ay ka mid yihiin Norway iyo Maraykanka ayaa dawladahaas u sheegeen in ay ku celin doonaan Soomaaliya, dhalinyaradaas qaar ka mid ah sida ay sheegeen dawladda Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay dawladahaas in lasoo celiyo.

Hadaba, Anigoo ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Warsame, Waxaa I damqiyey oo dareenkayga soo jiitay in aan ka hadlo dhibaatada ay sheeganayaan dhalinyaradaas loo gafay oo xuquuqdoodana lagu tuntay, waxaana soo jeedinayaa qodobadaan.

1-      Dawladaha Norway iyo Mareekanka in aysan kusoo celin  dhalinyardaas soomaaliya, maxaa yeelay soomaaliya hadda kuma haboona in dadka ka qaxay lagu soo celiyo maadaama dhibaatadii ay kasoo carareen markii hore ay wali ka jirto, ayna dhalinyadaas hayaan ilaa iyo inta laga helaayo Dawlad dalka kusoo celisaa Nabaddii iyo Noloshii badbaadin lahayd dhalinyaradaas.

2-      Dawlada Soomaaliya waa in aysa ogolaan in dhalinyaradaas lasoo celiyo waqtigan maadaama aysan kafaalo qaadi Karin

3-      Waxaan dawladda Soomaaliya u soo jeedinayaa in ay Joojiyaa dhalinyarada maalinwalba tahriibayo oo la wada ogyahay in dadka wax tahriibiyaa ay xafiisyo ku leeyihiin Caasimadda iyo meelo kale oo wadanka ah.

Wabilaahi Tawfiiq
(DIB U HANASHO HAYBAD QARAN)

Ali Haji Warsame Presidential Campaigning Team (awpct)
Mogadishu, Somalia
Email; ahwpct@ggmail.com
Tweeter: @ahwpct
Tel; 00252 612482620

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online