Ciidanka DFS oo la wareegay Degaanka Daar-Macalin oo 30-KM u jira Bardheere

February 17, 2017 - Written by Editor

Gedo:-Ciidanka DFS ayaa Dagaal kula wareegay Degaanka Daar-macalin oo 30-KM u jira Degmada Bardheere sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka DFS.

Dagaalka ayaa socday mudo dhan saacad waxaana uu sababay Khaasro leh dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray laba dhinac .

Degaanka Daar-macalin oo 30-KM u jira Degmada Bardheere ayaa waxaa uu isku xiraa degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halkaas oo ay Al-Shabaab ku dhibaateeyaan dadka iyo gawaarida marta.

Ciidanka DFS gaar ahaan Guutada 9-aad ee Millitariga ayaa saaka qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) ayaa sheegay in ay jab u geysteen Al-Shabaab hubna ay ka soo furteen ,Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidanka DFS ay dib uga soo  baxeen deegaanka Daar-macalin  galabta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online