Tartankii Quraan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaaso oo la soo gabagabeeyay.[Masawiro]

June 9, 2017 - Written by Editor

Boosaaso − Mu’asasada dacwada iyo horimarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso. Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Quraan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa Abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso , kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka puntland ee ka dhici doona magaalada garowe.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee qur’aanka, 20 Jus , 10 Jus , iyo 5 Jus, iyagoona abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay. ardayda ku guulaysatayna kaalmaha koowaad ee afarta heer ee lagu kala tartamayay, ee u gudubtay tartanka heer puntland ee Garowe, waxay kala ahaayeen:

30-ka Jus :-

1. C/lahi C/kariim siciid, kana socday Dugsiga IBNU BAAZ.

20-ka Jus:-

1-C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga ibinu Baaz.

10-ka Jus:-

1-Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan
.
5-Ta Jus:-

1-Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.

 

Mu’asasada dacwada iyo horimarinta
ee Alminhaaj, Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online