Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur [Dhagayso]

June 8, 2017 - Written by Editor

Garoowe:- Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka Af-urur oo dhexmaray ciidanka dowladda Puntland iyo ururka Al-shabaab kaas oo geystay khasaaro fara badan. Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa beeniyey in ciidanka Puntland laga qabsaday saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Af-urur lagana dilay ciidan gaaraya 61 askari sidda uu sheegay afhayeen u hadlay ururka Al-shabaab.

Taliyaha guud ee ciidanka daraawiishta Puntland Gen. Siciid Dheere iyo saraakiil la soctay ayaa saaka gaaray deegaanka Af-urur oo saaka iyo xalay ay ka dhaceen dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaaab. Dhinac kale Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in ay howl galo wadaan ciidanka Puntland kuwaas oo ay ku daba joogaan ciidamadii Al-shabaab ee saaka soo wareeray deegaanka Af-urur.

Hoos ka Dhagayso Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka hadlay deegaanka Af-urur

[audio: http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/49193/593936680b01000d6fad13cc/Shir+jaraa%2CidWasiirka+amniga+Punnuntland+Cabdi+Xirsi+Qarjab.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

M_ M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online