Faahfaahin Kooxda Al- Shabaab oo isku laayey degmada Jilib

November 13, 2018 - Written by Editor

Jilib:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ayaa sheegaya in maleeshiyada ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay khaarajiyeen saraakiil ka tirsanaa ururka Al Shabaab ka dib dagaal ka dhex qarxay dhexdooda.

Ilo wareed Muhiima oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Halgan.net in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay xiraan saraakiil soomali iyo ajaanib ah kuwaas oo ka madax adeygay ka dibna waxaa ka dhex qarxay dagaal waxaana soo gaaray labada dhinac khasaaro kala duwan.

Al Shabaab ayaa waxaa ay ka shakiyeen Saraakiisha iyo xubnaha ay weerareen in ay rabaan in ay ka go,aan kooxda Al shabaab kuna biiraan kooxda Daacish .Saraakiisha diiday in ay is dhiibaan waxaa ka mid ah Abu Anas Al-Misri oo u dhashay dalka Masar waxaana la dilay markii danbe.

Waxaa kale oo la sheegayaa in la xiray xubno ka badan 100 kuwaas oo isigu jira xubno ka tirsan Al shabaab ,ganacsato ,odayaal kuwaas oo lagu xiray saldhiga dhexe ee Degmada Jilib.

Waxaa raga la xiray ku jira wariye ka tirsanaa idaacada Al Andalus oo ku hadasha afka kooxda Al Shabaab iyo madaxii dacwada ee Gobolka Gedo ee Al Shabaab Macallin Daauud .

Al Shabaab ayaa Isbuucii la soo dhaafay xubno ka tirsan ku xireen Degmooyinka Saakow, Buula Fuulaay iyo Kuunya Barrow iyaga oo u kala qeybsamey laba garab .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online