Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaarada Janaraal Maxamed Abshir.[Masawiro]

November 10, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 09 Nov 2018 Kormeeray garoon caalamiga ah ee diyaaradaha Garoowe Janaraal Maxamed Abshir.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey kormeerkiisa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Karaash, hawl-wadeenada Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kormiisa ugu horayn ka bilaabay banaanka hore ee garoonka, gaar ahaan dhismayaaasha laydhadh casri ah oo Cadceeda ku shaqeeya, kuwaas oo garoonka lagu soo kordhiyey.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kale ee Garoonka, gaar ahaan qaybta shacabku ka dhoofo iyo qaybta uu kasoo dego oo lagu soo kordhiyey qalab cusub oo sahlaya in shacabka loo fududeeyo safarkooda.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen qurxinta iyo qaabaynta garoonka, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in masuuliyiintaasi bilad sharaf lagu abaal mariyo shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda in ay si wanaagsan xil isaga-saaraan shaqooyinka baaxaddale ee ay u haayaan shacabkooda madaamma ay Garoomada Puntland yihiin muraayadda laga soo gelayey dalka, Isla markaana waxa uu ku xoojiyey Madaxweynuhu inay shacabka si dhaw ula shaqeeyaan una fududeeyaan safaradooda xiliyada ay baxayaan iyo xiliyada ay soo gelayaan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online