Madaxweynaha Puntland oo Kulan Laqaatay Hay’addaha Madaxa bannaan iyo Agaasimayaasha Guud

February 20, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa bannaan ee Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan ee Dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf oo kulanka qayb ka ahaa ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Galabta waxaa shir iskugu yimid Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha madaxa banaan ee dowladda Puntland iyo sidoo kale Guddoomiyeyaasha Hay’addaha madaxa banaan, shirkaas oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxa uu ahaa isbarasho maadaama uu ahaa shirkii ugu horreeyey intii Madaxweynaha iyo Madxaweyne ku-xigeenka la doortay ay la qaataan Agaasimayaasha guud ee Dowladda.

“Isbarasho iyo is xog wareysi guud waxaa warbixino laga dhagaystay Hay’addaha madaxa bannaan dhammaantood, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkoodii iyo wixii caqabad ah oo jira, waxaa loo balamay kulan labaad in Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha laga dhegaysan-doono waxqabadkooda”. Ayuu yiri Agaasimaha WarbaahinDowladda Puntland

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online