Afhayeenka howlgalada Al-shabaab oo ka hadlay weerar lagu qaaday ciidamada Itoobiya
January 24, 2012 - Written byHiiraan:-Afhayeenka dhinac howlgalada ciidanka Ururka Al-shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa mar uu saxaafada la hadlayey maanta waxaa uu sheeggay in weerarkii lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee ku sug naa xarunta maamulka gobollka Hiiraan uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Sh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in marka weerarka lagu qaadayey xarunta maamulka gobollka Hiiraan ay ku sugnaayeen ilaa 200 ,oo askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay ku jiraan saraakiil madax ka ah ciidamada heysta magaalada B/weyne.
Sheekh Abuu Muscab waxa uu sheegay in weerarkaasi uu fuliyay mid ka mid ah askarta ururka Al-shabaab gaar ahaan Guutada Istishhaadiyiinta.Qaraxa ayaa dhacay markii ay saacadu ahayd 7:10 xilga geeska afrika.
Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Itoobiya waxay bandow ku soo rogeen guud ahaa magaalada Beledweyne waxaana ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif labada diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca waxayna ka daabuleen dhaawacyda qaar ka mid ah ciidanka Itoobiya ee qarax lala beegsday.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Halgan.net in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beled-weyne iyada oo qaraxa laga maqlay xoogiisa xaafadaha magaalada Beledweyne oo dhan.Afhayeenka howlgala ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in 33 askari ay ku dhinteen qaraxkii ka dhacay B/wyene laba gaari oo uural ahna ay gubeen.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
allaahu akbar allaahu akbar mujaahidiinta allaha guuleeyo gaalada iyo kuwa raacsana allaha jabiyo kuwa kanaxana naxdinta allaha usiyaadiyo