Ahmiyada shuuradu leedahay W/Q Abdulkadir Dalmar
January 3, 2012 - Written byAlle ayaa mahad oo dhan iskaleh,nabi Maxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa hayeelo.Waxaa ku dayasho iyo raacid mudan nabiga(scw) wax yaalaha cadcad ee uu ku tarbiyeeyay asxaabtiisa intuusan dhisin dowladiisii(Madiina) iyo ka dib waa mabda’a wadatashiga,waxaa loogu magacdaray suurad quranka kamid ah,suurat “al-shuura”,arrinkan waa arrin loobaahanyahay markasta, noloshuna isaga la aantiis ma hagaagto.Shuuradu waa mabda islaami ah oo weyn oo aan lagu soo koobi Karin halkan, laakin waxaan tilmaamayaa waxuun kamid ah.
Alle subxanahu watacaala waxa uu amray nabigiisa (scw) in uu la tashado asxaabtiisa, Alle wax uu ku amaanay muminiinta in ay wada tashadaan .Wada tashigu kuma koobna arrimaha siyaasadda iyo dawladda oo kaliya, ee arrimaha qoyska muslimka waa lagama maarmaan tusaalle markii hooyadu ay ka goynayso ilmaha naaska in ay ka wada tashtaan iyada iyo odeygeedu weeye. Sidoo kale, wada tashigu kuma koobna muslimiinta oo kaliya waxaan quranka kabarannay in Fircoon oo(fircoon ah) uu la tashtay dadkiisii kadib markii uu soo wajahay nabiyulaahi Muuse(cs), in uu yiri maxaad i amraysaan.
Ahmiyada ay leedahay Shuurada ( Wadatashiga)
W/Q Abdulkadir dalmar
Halgan.net