Al shabaab oo ku soo bandhigay 3 Kenyan ah Degmada Baardheere

January 13, 2012 - Written by

Wajeer:-Ururka Al-shabaab ayaa maanta ku soo bandhigay fagaare ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo 3 ka mid ah askarta dalka Kenya kuwaas oo ay ka soo qafaasheen gudaha Degmada Wajeer ka dib dagaal ay ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaal  deegaanka Gariley.

Gudoomiyaha Ururka Al-shabaab ee gobalka Gedo Cabbaas Cabdullaahi  ayaa la hadlay dadweynihii u soo daawasho tagay 3nin ee u dhashay dalka Kenya waxaana uu sheegay in ay jawaab u tahay leynta iyo duqeynta ay ciidamada Kenya ka wadaan gobalada J/hoose iyo Gedo.

Al-shabaab ayaa maalin ka hor weerar ku qaaday deegaanka Gariley oo 7 km u jira xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay soo qafaasheen 3 askari iyo qalab melatri ayna dileen 7 kale .waxay ku goodiyeen in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku yaan gudaha dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Allahaa jabiyo gaalada gardarada noogu soo duushay

    waxaa kale oo wax lagu farxo ah inay jiraan dad

    cadaalad ah oo aanan nacayb Alshabaab dartii

    aanan oga indha laabin ixtilaalka dalka ka jira

  2. as/ waxay ila tahay waa cashar lama ilaawan ah ama waa jawaab ku dhacay kenya wayna mutaysten in saas loola dhaqmo waana gool kenya way jabaysaa waayo somalia dad ayada ka awood badan baa horay wax uga qaadi waayay ayana cid kama liidato oo waa lays yaqaan mataagero shabaab shaqsi ahaan hadana kenya waa qalad in ay somaliya faragalin ku samayso waana tilaabo ay ku deg degtay 1977ki marki aan itoobiya dagaalka kala baxnay bay kenya dad somali ah waxay ku xumaysay gaarisa
    taas waxaa uga jawaabay madax waynihii wadankeena maxed siyaad barre oo ugu maah maahay libaax jaban sac madili waayo waana ay siidaayeen dadki ay haysten waa arin xusid mudan in sha allahna way jabin kenya

  3. الله اكبر
    Geesiyaal dhe. Imisay gaalada xun ee Kenya Soomaali aan waxba galabsan hawada ka duqeeyeen. Gudaha Kenya ha loo galo siday gudaha Somalia usoo galeen, ha la laayo siday Soomaalida u leynayaan…

Leave a comment

*