Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii lagu qaaday Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid
January 31, 2012 - Written byGaalkacyo:-Afhayeenka dhinac howl galka Ururka Al-shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu-Muscab ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday Taliyihii hore ee ciidanka Booliska DFKM Col.Cabdi Xassan Cawaale Qayb diid kaas oo ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliyaaan Maamulka Galmudug. Sheekh Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka uu fuliyey mid ka tiran ciidamada Al-Shabaab gaar ahaan guutada Istishhaadiyiinta kaas oo weerarka ku qaaday guriga uu ka deganaa Gaalkacyo Col.Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.
Afhayeenka Al-Shabaab Abu Muscab ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu khasaare ballaaran ka soo gaaray Ciidankii Cabdi Qaybdiid iyo guriga uu deganaa. Al shabaab waxay beeniyeen in ragga weerarka fuliyey ay ahaayeen labo nin, waxayna sheegeen in uu qaraxa fuliyey hal nin oo ka mid ah guutada Istishhaadiga halka Col.Cabdi Qaybdiid u sheegay in weerarka ay soo qaadeen laba nin mar uu wareysi siiyey idaacada VOA-da .
M_M Deeq
Halgan.net