Dagaal xalay ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud

January 19, 2012 - Written by

Dhuusomareeb:-Waxaa xalay ka dhacay duleedka degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud dagaal u dhexeeya ciidamo ka kale tirsan ururka Al-shabaab iyo ururka Ahlusunna Wal jamaaca, dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa xalay ka qarxay duleedka magaalada Dhuusomareeb ka dib markii ay ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisamo ay ciidanka Ahlusunna ku lahaayeen  duleedka magaalada , dagaalka ayaa ku soo fiday gudaha magaalada iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka kale duwan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhinta ilaa 5 askari oo ka kale tirsan ciidamada uu dagaalku dhexmaray, masuuliyiin u kala hadlay ciidanka Al-shabaab iyo Ahlusunna ayaa guulo kan kala sheegtay dagaalkii xalay iyadoo qolo walba ay saxaafada u sheegeen in ay ku gacan sareeyeen dagaalkii dhacay.

Goobjooge ku sugan degmada Dhuusomareeb ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka oo ahaa mid xooggan uu gudaha ku soo fidaywaxaan uu xusay in ay dadka shacabka ah aysan ka soo bixin iyagoo ka baqaya in hubka la isku ridayo uu wax yeelo ka soo gaaro ma ah markii ugu horeysay ee dagaal xooggan uu ku dhexmaray ururka Al-shabaab iyo Ahlusunna degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Gal-gaduud. 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online