Degmada Qandala ee gobolka Bari oo loo sameeyey gole deegaan oo cusub
January 18, 2012 - Written byBoosaaso:-Degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxaa loo sameeyey markii ugu horeysay gole deegaan oo cusub ka dib markii dhawaan ay halkaasi kormeer ku tageen wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha ee Puntland Cabdi Yaasiin Xirsi.
Golaha deegaanka ee degmada Qandala loo sameeyay ayaa waxaa uu ka kooban yahay 21 xubnood waxaana ay soo doorteen gudoomiyaha Degmada Qandala iyo ku xigeenkiisa
Gudoomiyaha Degmada Qandala ayaa si gacan taag ah waxaa loogu doortay -Jaamac Maxamed Qoorshe oo helay 18 cod halka ku xigeenkiisana loo doortay Cali Siciid Jaamac.
Waa Markii ugu horeysay ee Maamulka Punland uu u dhiso Degmada Qandala gole Deegaan waxaase waxqabad looga fadhiyaa golaha la soo doortay taas oo ay ugu horeyso sameyn kaabayaal dhaqaale iyo sugida amniga.
M_M Deeq
Halgan.net