Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan gobalka Gedo
January 7, 2012 - Written byGedo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in galabta ay Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya duqeymo ka geysteen laba mar deegaaano ka tirsan gobolka Gedo gaar ahaan deegaanada Kaayanay iyo Birta-dheer oo Woqooyi bari kaga beegan magaalada Gabahaareey.
Mid ka mid ah ducaada magaalada Gabahaareey ayaa Halgan.net u xaqiijiyey in shalay iyo maanta ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeymo geysteen ayna jiraan khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Diyaaradaha dagaal ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa shaqo ka dhigtay in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ka dib markii ay ku fashilmeen dagaalkii dhulka ahaa oo ay dhowr jeer weeraro culus ku qaadeen ciidamada Ururka Al-Shabaab khasaarana ay u geysteen.
Afhayeenka dowladda Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in weerarada cirka ah oo ay shalay qaadeen ciidamada Kenya ay ku dileen ilaa 60 ka tirsan ciidamada Al-shabaab mar uu la hadlay wakaalada wararka ee AFP.
Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay jiraan rayid wax ku noqday duqeynta galabta ay geysteen diyaaradaha dalka Kenya.
Cabdi Yare
Halgan.net