Duqeyn ay ku dhinteen culimo oo xalay ka dhacday degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

January 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Duqeyn ay ku dhinteen culimo ayaa  xalay ka dhacday degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.Madaafiic waaweyn ayaa waxa ay ku dhacday masaajidka hidaaya ee Culimada Tabliiqu diinta ka fidiyaan  ee xaafadda Waxar-cadde ee degmada Heliwaa magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo aheyd mid xooggan ayaa waxa sababtay dhimashada ilaa laba Sheikh oo ka mid ahaa culimada Tabliiqa, weliba kuwooda shuurada, waxaana mid ka mid ah Culimada allaha u naxariistee lagu magacaabi jiray Sheikh C/raxmaan Tabaruc.

Sidoo kale duqeynta oo meelo kale ku dhacday ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac kale, iyadoona isla masaajidka ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qof oo kale, iyadoo marka madaafiicdaas ay  dhaceysay uu dagaal goos goos ah soconayey, kaasoo u dhexeeyey ciidamada huwanta ah iyo kuwa xarakada Al-Shabaab.

Dowladda KMG ah iyo saraakiisha  AMISOM ayaan weli ka hadlin amuurtan oo loo tiirinayo ciidankooda, iyadoona arin aad looga xumaado ay tahay duqeymaha aan loo meel dayin ee lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin shacabka aan waxba galabsan.

Masaajidkan ayaa horey waxaa uga dhacay xasuuq loo geystay culimo tabliiq ah, waagii ay Itoobiyaanku Muqdisho ku sugnaayeen, waxaama xasuuqaas geystay ciidankii dowladda Itoobiya ee la socday ciidamada DFKM

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online