Issimada gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn oo go,aamiyey dhismaha maamul gobolleed.
January 12, 2012 - Written byTaleex:-Dhamaan Issimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta si rasmi ah u guddoomi yey in Gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn ay yeeshaan maamul ka madax banaan Puntlland iyo S/lland iyagoo uguna baaqay in labadaas maamul waa Puntlland iyo S/lland ay si ku wada noolaad aan nabad gelyo iyo daris wanaag.
Maalintii shalay ayaa waxaa ergooyinkii loo xulay shirkii wadatashiga ee beeshu ay u soo gudbiyeen go,aanadii ay wada gaareen oo ah in Gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn in loo sameeyo maamul u gaar ah arrinkaas oo Issimadu ay maanta meel mariyeen iskuna waafaqeen.
Go,aamada shirka Khaatumo II ayaa Issimadu waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo sameeyo arrimaha soo socda.
1. Dhisid maamul Gobolleed ay yeeshaan bulshada degta ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
2. In gobollada Sool Sanaag iyo Cayn aysan ka tirsanyn maamulada Puntland & Somaliland, isla markaana dhamaan aysan waxba ka jirin go,aamadii beeshu ay horay ula gaartay maamulka Puntlland iyo S/lland.
3. In la sameeyo dastuur waafaqsan shareecada Islaamka, maamulkuna uu yeelan ilaa 4 gole oo kala ah ,
A- Golaha Baarlamaanka
B- Golaha Xukuumada
C- Garsoorka
D- Golaha dhaqan.
M_M_Deeq
Halgan.net