Issimada gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn oo go,aamiyey dhismaha maamul gobolleed.

January 12, 2012 - Written by

Taleex:-Dhamaan Issimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta si rasmi ah u guddoomi yey in Gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn ay yeeshaan maamul ka madax banaan Puntlland iyo S/lland iyagoo uguna baaqay in labadaas maamul waa Puntlland iyo S/lland ay si ku wada noolaad aan nabad gelyo iyo daris wanaag.

Maalintii shalay ayaa waxaa ergooyinkii loo xulay shirkii wadatashiga ee beeshu ay u soo gudbiyeen go,aanadii ay wada gaareen oo ah in Gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn in loo sameeyo maamul u gaar ah arrinkaas oo Issimadu ay maanta meel mariyeen iskuna waafaqeen.

Go,aamada shirka Khaatumo II ayaa Issimadu waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo sameeyo arrimaha soo socda.

1. Dhisid maamul Gobolleed ay yeeshaan bulshada degta  ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

2. In gobollada Sool Sanaag iyo Cayn aysan ka tirsanyn maamulada Puntland & Somaliland, isla markaana dhamaan aysan waxba ka jirin go,aamadii beeshu ay horay ula gaartay maamulka Puntlland iyo S/lland.

3. In la sameeyo dastuur waafaqsan shareecada Islaamka, maamulkuna uu yeelan ilaa 4 gole oo kala ah ,

A- Golaha  Baarlamaanka

B- Golaha Xukuumada

C- Garsoorka

D- Golaha dhaqan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online