Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland oo gubay maanta lacag been abuur ah oo la soo galiyey Boosaaso.
January 5, 2012 - Written byBoosaaso:-Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland ayaa maanta waxaa uu ku gubay lacag faalso ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari lacagta ayaa waxaa suuqa soo galiyey qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso waxaana qabtay ciidamada amaanka oo kaashanaya Bangiga Dhexe ee Puntland .
Lacagta Saaka dabka la qabadsiiyey ayaa waxaa ay gaareysay oo gaaraysa 14 milyan oo Shilin Soomaali ah sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha guud ee bankiga Puntland Xirsi Maxamed Jaamac waxaa kale oo goobta ku sugnaa maareeyaha bankiga Puntland qaybtiisa gobalka Bari.Lacagta ayaa waxay ahayd kun shilin iyo shan boqol oo Shilin Sooomaali ah iyada oo la tusay saxaafada ka howlgasha gobalka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso .
Maareeyaha waaxda bankiga Puntland ee gobolka Bari Muuse Aw Xuseen ayaa isaguna dhankiisa sheegay lacagahan been abuurka in la doonayo in bulshada lagu dhibaateeyo wuxuuna sheegay in lacagta ay ka timid koonfurta dalka Soomaaliya.
Maamulka Gobalka Mudug ayaa shalay qabtay lacag been abuur ah oo la soo galiyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug isaga oo uga digay dadweynaha iyo gancsatada magaalada gaalkacyo in ay isticmaalaan lacagta been abuurka ah.
M_M Deeq
Halgan.net