Nadwadii Masjid Rowda oo gashay habeenkeedii Labaad.(Dhagayso)
January 6, 2012 - Written byBoosaaso:-Waxaa caawa mar kale si rasmi ah uga bilaawday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari gaar ahaan Masjidka Al-Rowda nadwo diini ah oo gashay habeenkeedii labaad iyadoo dadweyne fara badan oo ku nool magaalada Boosaaso ay soo xaadireen, muxaadaraadka caawa baxay ayaa waxaa jeediyey Sh Axmed Cabdisamad iyo Shiikh Axmed Daahir iyagoo culimadu ay caawa ka hadleen loolanka u dhexeeya Xaqa iyo Baadilka si faahfaahsan ay u qaadaadhigeen.
Sh.Axmed Cabdisamad oo qaatay qaybtii kowaad ayaa waxaa uu ka hadlay loolanka u dhexeya xaqa iyo baadilka isagoo aayado iyo axaadiis soo sardiyey, waxaa uu ka hadlay khatarta ay cadowga Islaamka ay ku hayaan dalalka Islaam ka iyo dhibaatada ay ku hayaan baraaruga Islaamka isaga oo tilmaamay in cadowga Islaamka uu dadka muslinka ka soo weeraray meelo badan oo ay ka mid tahay In dadka laga khaldo diintooda,in dadka laga leexsho Manhajkii Islaamka, in wasaaradaha amniga iyo kuwa gudaha dalalka Islaamka awood ay ku yeeshaan cadowga islaamka si ay ula socdaan baraaruga Islaamka ugana hortagaan.
Sh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu xusay in cadowga Islaamka ay wasaarado dhan u sameeyeen iyo ururo daraaseya dadka Islaamka si umada Islaamka loo dhexgalo ka dibna ay si sahal ah u fududaato in dadka Islaamka iyaga oo aan dareensamayn gudahooda laga dumiyo.
Shiikha Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu ka sheekeeyey in gaaladu ay hadda sameeyeen ururo baan ah oo ku qaraabta magaca Islaamka kuwaas oo taageero ka hella reer galbeedka hadafkooduna waxaa weeyey in ay iyagu meesha ka saaraan dadka sidda xaqaha u doonaya in ay iska celiyaan cadowga Islaamka. Ururkaan beenta ah ee wata magac diineed ayaa waxaa uu marka uu doonayo in uu kuwa xaqa wata uu meesha uu ka saaro waxaa uu ku doodayaa in la midoobo ka dibna ay sidaas meesha uga saaraan haddii kale oo ay u suuroobi weydana ay ragga muhiimka ah ay si shirqool ah ku laayaan.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii loolanka Xaqa iyo Baadilka qaybta 1aad Sh Axmed Cabdisamad
[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/loolanXaqaShaxmedcabdisamad.mp3]
Shiikh Axmed Cabdi samad ayaa waxaa uu xusay oo kale in maanta saxwa Islaamiya iyo baarauga Islaamka laga doonayo in ay noqdaa kuwa wax kala saari kara oo aysan ku kadsoomin kuwa diinta in ay dumiyaan loo soo kiraystay ama ay qaar badan aysan la socon wax badan ama iyagoo u jeeda in kooxdaan ay diinta garab mareen ay hoos fiiriyaan ama ay is ilowsiiyaan.
Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa dhaliil u soo jeediyey in dadka qaar oo naftooda ugu sheekeeyey in kooxa loo soo kiraystay duminta diinta ay isku maaweeliyaan in ay yihiin kooxo diinta islaamka koryeelaya oo niyada fiican qaladaadkoodana loo baahanyahay in loo dulqado sababta camalka ay hayaan in uu yahay mid weyn taas oo aan ahayn mid ku dhisan xaqiiqo.
Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu tusaale ugu soo qaatay kuwa oranaya kooxa la soo kiraysatay diinta in yihiin koox difaacaysa diinata waxna ka khaldan yihiin nin intuu feer kugu boobay ilkaha kaariday ka dibna ku yiri walaahi aad baan kuu jeclahay arrinkas oo uu wiidiiyey dadweynihii dhagaysanayay muxaadarada in ay aqbali lahaayeen iyo in kale haddii aysan aqbali karin sidee diinta dad duminaya loogu ogolaaday in ay difaacayaan ama jecel yihiin.
Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu ka hadlay saxaafada ku hadashay afka Shabaab kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hayaan howl ay cadawga islaamka u soo dirsadeen taas oo ah in culimada Soomaaliyeed gaar ahaa kuwa Salifka ah ay ku been abuur taan ,cayaan si umada soomaaliyeed kuwooda garaadka yar ay waxaa run u moodaan , Sh.Axmed Cabdisamad ayaa tusaale u soo qaatay been abuurkii ay baraha Internetka beenta ku qaraabta ay ka faafiyen fadiilatu Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ahaa in uu u mahad noqay Mahiga iyo AMISOM
Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa xusay in kuwa baraha internetka wax ku qora uu ku jiro nin ay diinta Kirishtaanka lagu baraya dalka Kenya ka dibna saldhigayada dalka Maraykanku ku leeyahay afrika ka shaqeeyey haddana ka mid ah kuwa culimada ku been abuurta baraha internetkana wax ku qara Shiikha ayaa sheegay in ay yaqaaniin kuwa baraha internetka wax ku qora xog badana ay ka hayaan.
Sheekh Ahmed Daahir ayaa waxaa uu qaatay muxaadarada qeybteeda danbe waxaana uu Sheekh Ahmed aad uga hadlay loolanka u dhexeeya xaqa iyo baadilka wuxuuna sheegay in uu soo bilaawday markii la abuuray abuunaa aadam uuna socon dooono ilaa inta laga gaarayo qiyaamaha .Shiikh ayaa sheegay in inta alle abuuray uu u qeybsan yahay gaalo Muslin,iyo Munaafaq waxaana uu Sheekha uu sheegay in munaafaqa uu ka daran yahay gaalka cad ee alle ka fogaaday.
Sheekh Ahmed Daahir ayaa sheegay in aabaheen Aadam iyo Sheydaan uu ka dhexbilaawday loolan ilaa uu geedkii cunsiinay ka dibna uu alle ka abuuray Aabaheen Aaden allaha ka raali noqdee hooyadeen Xaawo ka dibna faracii uu batay lagdinkii xaqa iyo baadilka u dhexeeyey uu sii kordhay.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii loolanka Xaqa iyo Baadilka qaybta 2aad Sh Axmed Daahir
[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/loolanshaxmedDaahir.mp3]
Sh Ahmed Daahir ayaa ka hadlay dilkii Dr Ahmed Xaaji iyo cayda iyo been abuurka iyo caga jugleynta lagu hayo culumada Soomaaliyeed oo qaarkood la dilay taas oo uu ku tilmaamay sifo ka mid ah sifaadkii Fircoon uu lahaa oo ay ka mid ahayd qof aan aniga ahayn noolaan maayo.
Sheekh Ahmed Daahir ayaa sheegay in culumada la rabo in saaxada laga saaro iyada oo ceyda iyo beenta ay dhaqan ka dhigteen kuwa ku tuuraya culumada in ay gaalo iyo PIS u shaqeeyaan wuxuuna ugu baaqay in culumada sabraan.
Sheekha ayaa si cad u sheegay kuwa leynaya culumada iyo kuwa fatwoonaya in culumada umada laga horleexiyo ay ogaadaan kuwa alle ka baqa in ay yihiin Culumada ,gabagabadii ayúu Sheekha u soo jeediyey reer Boosaaso in ay dacwada wadaan jihaadkana ay sida saxda ah oo xaqa ah baraan dhalintooda ayna ka hortagaan wax fitnada ah oo diinta lagu burburinayo.
Muxaadaraadkii Xalay ka baxay Masjidka Al-rowada Halkan ka Dhageyso.
Halgan.net

.gif)

